Guddoomiyaha xisbiga Waddani Oo Weerar Bahalnimo Ku Tilmaamay Qaraxii Shalay Ka Dhacay Muqdisho.

0

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Oo Weerar Bahalnimo Ku Tilmaamay Qaraxii Shalay Ka Dhacay Muqdisho.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, ayaa weerar bahalnimo ku tilmaamay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

Qoraal uu barihiisa bulshada ku faafiyay ayaa u dhigna sidan

” Naxdin iyo tiiraanyo ka weyni ma jirto in la gummaado shacab aan waxba galabsan, ardaydii ahayd ubixii soo kacaayey, xoogsato shaqo tag ah, runtii waxa aan si weyn u tacsiyadeynayaa ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba qaraxii bahalnimada iyo ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

laahay inta dhimatay naxariistiisa janno haka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah ha siiyo, waxa aan leeyahay dadka reer Muqdisho ee dhibkaasi soo gaadhay, ha is dhiibina walaalayaal!

“Xamar dhaxal umay helin
In dhiig korkeeda lagu qubo
Xamar dhaxal umay helin
In dadkeeda lagu dhibo…” Abwaan Laabsaalax.”