Mareykanka: Nin bangi dhacay oo arrin lama filaan ah sameeyay
Oday gar cad ayaa dhacay bangi, labo maalmood ka hor ciidda masiixiyiinta ee loo yaqaanno Chrismas-ka, ka dibna wuxuu lacagtii ku firdhiyay hawada isagoo dadweynaha ugu hambalyeynaya eray la mid ah “Ciid wanaagsan”, sida ay dad goob joogeyaal ah sheegeen.
Lacagtii uu firdhiyay waxaa si deg deg ah u aruuriyay dadkii bangiga agtiisa marayay.
Booliska ayaa sheegay in “nin oday ah, oo cadaan ah” uu dhac u geystay bangi ku yaalla gobolka Colorado ee waddanka Mareykanka.

Falkan oo dad badan ka yaabiyay ayaa dhacay duhurnimadii maalintii Isniinta ee isbuucan, labo maalmood ka hor xilliga feestada ciidda masiixiyiinta.
“”Bangiga ayuu dhacay, wuxuu usoo baxay bannaanka, lacagtii oo dhanna wuuxuu ku firdhiyay goobta uu ku sugnaa”, sidaas ayuu yiri qof goobjooge ah oo la hadlay warbaahinta Colorado’s 11 News.
“Wuxuu billaabay inuu lacagtii boorsada ka buuxday daadiyo, isagoo dhacaya, ‘ciid wanaagsan!'”
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in ninka falka burcadnimada ah sameeyay uu markaas ka dib hor fariistay makhaayad qaxwada lagu cabo oo halkaas u dhaweyd, isagoo sugayay inay u imaadaan booliska, oo la xiro.
Arrinta kale ee la yaabka lahayd waxay noqotay in dadkii waddadaas ku sugnaa xilliga lacagta la firdhinayay ay dhammaantood aruuriyeen islamarkiina dib ugu celiyeen gudaha bangiga.
Taliska booliska Colorado Springs ayaa ninka bangiga dhacay magaciisa ku sheegay David Wayne Oliver, oo 65 jir ah. Lama aaminsana inuu lahaa dad kale oo
xigasho bbc