Haweeney u dhalatay Dalka Kenya Ninkeedana u xiranyahay Dowladda Kenya ayaa ku calaacashay in Ninkeeda uu Soomaaliya u aaday si uu lacag ugu soo shaqeeyo qoyskooda.
Waxaa ay Wargeyska The Nation u sheegtay in Odageeda uu shaqo la’aan ahaa, xirfadda dhismaha guryahana uu ku fiicanyahay.
Waxaa ay sheegtay in isaga iyo saaxiibkiis loo sheegay in shaqaalaha dhismaha ay lacag fiican oo doollar ah ka helaan Soomaaliya, sidaasna ku aadeen Soomaaliya.

Idris Wesonga, ayaa gurigiisa ka baxay 11kii November, 18kii Novemberna waxaa ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Dowladda Kenya.
Maxkamad ku taalla Magaalada Mandheera ayey ka soo muuqdeen iyaga oo loo heysto in ay doonayeen ku biirista Al-shabaab.
Jackline Bakola, ayaa dowladda Kenya ka codsatay in ay u caddaalad fasho Odageeda iyo qofka la xiran oo ay ogtahay in ay Soomaaliya u doonteen lacag ay Ganacsi uga billaabaan Gobolkooda.
Waxaa ay ku calaacashay in uu aabbe u yahay Lix Carruur ah, shaqo la’aan iyo Guri kiro ah oo uu degganyahayna uga tagay Gurigiisa.
xigasho mustaqbal radio