Jawhar: “Itoobiya Ballantii Ayay Lafta-Garreen Kaga Baxday..

0
Jawhar: “Itoobiya Ballantii Ayay Lafta-Garreen Kaga Baxday..”
Siyaasiga caanka ah ee Oromada, Jawhar Mohamed ayaa ka falceliyay xil ka qaadistii Lafta-Garreen.
Wuxuu yidhi: “Madaxwaynihii Milatariga Itoobiya taagerayay ee KGS, madaxwayne Xasan Sheekh oo taagero ka hellaya Turkiga iyo Masar ayaa ku qasbay inuu kursiga banneeyo. Lafta-Garreen, todobaad kahor ayuu AdisAbaba yimid Abiye Ahmed, ayuuna ballan-qaad ka haystay, siddaas oo ay tahay Ciidanka Milatariga ee Koonfur Galbeed jooga ma difaacin.”
Jawhar, oo hadalka sii wata ayaa yidhi; “Tanni waxay ka dhigan tahay in Baydhabo oo 20 sanno gacanta Itoobiya ku jirtay ay ka baxayso. Waxaana Itoobiya badali doona Masar iyo Turkiga. Siddoo kale Puntland oo Itoobiya saameyn ku lahayd ayaa qarka u saarran in gacanta Itoobiya ka baxdo.
Markale wuxuu yidhi: “Shalay ayaa la dirayay fariimo tibaaxaya in Imaaradoa iyo Itoobiya xididada looga siibayo Puntland. Waxay ka dhigan tahay in saameyntii Itoobiya ee Soomaliya ay soo koobmayso. Aynu xasuusnaano in waxan oo dhan sabab u yihiin qaladkii Istaraatajiga ahaa ee Somalialnd lagaga doonnayay Badda.”