Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo weriyeyaasha kula hadlayay gudaha diyaaradda Air Force One, ayaa sheegay in “Iiraan ay muujisay sida ay u daneyneyso wada-xaajood.” “Haa, Haa.
Wuu isoo wacay shalay,” Trump ayaa sidaa u sheegay weriye isagoo aan wax faahfaahin bixin.
Wuxuu sheegay in hoggaamiyeyaasha Iiraan ay doonayaan wada-xaajood. Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaas raaciyay: ‘Waa laga yaabaa inaan la kulanno, waxaan kala jeedaa kulanka waa la qorsheeyay, balse waxaa laga yaabaa inaan tallaabo qaadno sababo la xiriira waxa dhacay.
noqon karto inuu ficil sameeyo” ka hor inta uusan kulankaasi dhicin.
Hadalka Trump ayaa yimid xilli ay soo baxayeen caddaymo dheeraad ah oo ku saabsan rabshado baahsan oo ay ciidamada ammaanka Iiraan kula kaceen dibad-baxayaasha.


















