Muxuu yahay heshiiska Abraham Accord ee Somaliland ku biirayso yaaase horrey Israa’iil ula galay?

0

Heshiisyada Abraham Accord, waa kuwa u jeeddu ay tahay in la caadiyeeyo xiriirka Israa’iil iyo wamada Carabta oo ilaa curashadii Israa’iil ahaa mid xun.

Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ayaa saxiixay intii lagu jiray muddo xileedkii kowaad ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump sanadkii 2020, iyagoo jebiyey caado-reebitaan soo jireen ah, kana dhigay dowladihii Carbeed ee ugu horreeyey ee aqoonsada Israa’iil muddo rubuc qarni ah.

Morooko iyo Suudaan ayaa iyaguna raacay. Sidaas oo kale dowladda Kazakhstan ayaa dhawaan ku biirtay heshiisa.

Jamhuuriyada  Somaliland ayaa hadda ku biiraysa heshiiskaas Abraham Accord sida uu bayaan ku sheegay madaxweynaha Soomaaliland, tallaabadaas oo uu ku tilmaamay mid loo qaadayo nabadda gobolka iyo tan caalamkaba.

Jared Kushner, oo uu soddog u yahay Trump, ayaa kaalin weyn ka qaatay dhexdhexaadinta heshiisyadan.

Mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa sheegay inay dareemeen khiyaano kaga timid walaalahooda Carabta ah, maadaama ay heshiisyo la galeen Israa’iil iyagoo aan marka hore dalban horumar ku wajahan dhismaha dowlad Falastiini ah

Heshiiskii ugu weyn ee Israa’iil gashay marka ay timaado abraham wuxuu ahaa heshiiska ay la gashay Imaaraadka Carabta ee Midoobay, oo ah dal si weyn u soo saara shidaalka caalamka kana mid ah xarumaha ganacsiga caalamiga ah, isla markaana leh saamayn diblomaasiyadeed oo ballaaran guud ahaan Bariga Dhexe.

Tan iyo markaas, Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta waxay sameeyeen xiriir dhaqaale iyo amni oo dhow, oo ay ku jiraan iskaashi difaac iyo heshiis ganacsi xor ah. Hase yeeshee, xiriirkaasi wuxuu dhawaan noqday mid kacsan.

Imaaraadka Carabta ayaa bishan uga digay Israa’iil in deegaamaynta dhulka Daanta Galbeed ee la haysto ay noqon doonto xariiq cas, isla markaana ay si weyn u wiiqi doonto ruuxda heshiisyada, kaddib markii wasiir Israa’iili ah oo midigta fog ah uu ku hanjabay inuu aasi doono fikradda dowlad Falastiini ah isagoo ballaarinaya degaameynta

Waa maxay mustaqbalka heshiisyadan?

Washington ayaa muddo dheer rajaynaysay in horumarka laga sameeyo dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga uu horseedi doono in heshiisyada Abraham lagu ballaariyo dowlado Carbeed oo kale, gaar ahaan Sacuudi Carabiya, oo ah quwadda ugu weyn gobolka isla markaana ah tan ugu taajirsan dhammaantood.

Hase yeeshee, Riyaad ayaa ku adkaysanaysa in aan wax caadiyeyn xiriir ah lala yeelan karin Israa’iil haddii uusan jirin waddo cad oo ku wajahan dhismaha dowlad Falastiini ah, arrintaas oo ay diidan tahay dowladda ugu midigta fog ee taariikhda Israa’iil.

Tan iyo markii dagaalyahannada Xamaas ay weerareen Israa’iil bishii Oktoobar 2023, taas oo dhalisay dagaal ay Israa’iil ku dishay tobannaan kun oo Falastiiniyiin ah Gaza, dalalka Carabta ayaa ka sii kala fogaaday Israa’iil, halka ra’yiga dadweynaha ee dalalka Carabtuna uu noqday mid aad ay caro ku dheehan tahay.

Si kastaba ha ahaatee, intii uu xilka hayay madaxweynihii hore Joe Biden iyo sidoo kale Trump tan iyo markii uu sanadkan dib ugu soo laabtay xafiiska, Washington waxay dhiirrigelisay in aqoonsiga Carabta ee Israa’iil la ballaariyo, taas oo loo arko yool muhiim ah oo mustaqbalka fog ah oo ka mid ah xal kasta oo goboleed oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Trump ayaa bishii hore sheegay in ay muhiim tahay in dalal badan oo Bariga Dhexe ah ay ku biiraan Heshiisyada Abraham, isaga oo sheegay in arrintaasi ay xaqiijin doonto nabad ka dhalata gobolka. Maraykanka ayaa sidoo kale la sheegay inuu xoojinayo ku biirista heshiiska Abraham ee dalal ay ka mid tahay Suuiriya balse wali lama xaqiijin arrintaas