Gudoomiyaha hay,ada caymiska qaranka Somaliland oo kuwar galiyay shirkadaha gadiidka iyo Bulshadaba in shaqadii Caymiska gadiidku Bilaabmayso

0

Gudoomiyaha hay’adda caymiska qaranka jamhuuriyad Somaliland mudane Axmed Xirsi Ducaale iyo wafti uu hogaaminayey oo safar shaqo ku jooga magaalada berbera ayaa maanta shirar mihiima layeeshay inta badan madaxda dawlada iyo kuwa shirkadaha ee gobolka saaxil iyagoo kala hadlay in caymiska qaranka loo bilaabi doono si dhaqso ah iyo doorka ay ku leeyihiin hirgelinta caymiska somaliland.


Ugu horayn wuxuu ka bilaabay gudoomiyuhu kulamadiisa badhasaabka gobolka saaxil mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye ,

gudoomiyaha caymisku wuxuu kaloo kulamo saacado qaatey uu la yeeshay madaxda shirkada gaadiidka ee Towfiiq iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay,waxaanu kuwar galiyay in si dhkhso ah loo bilabi doono shaqada caymiska Gaadiidka kala duwan waawayn iyo yaryarba, Xata gadiidka dawlada ayaa ku khasban in la caymiyo
Fursadan aya ah mid qaali ku ah qaranka somaliland oo 34 jirsday
iyadoo il saxarba laga tirey su hufana loo nadaamiyay xeerka caymiska sidii lloogu dabaqi laha xaalada kala duwan ee gaadiidka somaliland ka hawlgala,

Gudoomiyaha Caymisku qaranka Somaliland Axmed Xirsi Ducaale  intii uu  kulmada la qadanayay shirkadaha ay khusayso wuxuu ugu bushareeyay inay ka faa,idi doonan kana raysan doonaan caqabadihii ay kala kulmi jireen shilalka iyo khasaraha kale ee soo gaadha,waxanu ku wargaliyay dhamanba madaxdii shirkadaha ee uu la kulmay in uu qabsoomi doono shir heer qaran ah oo madaxwaynaha somaliland  kaga dhawaqi doono higalinta bilowga shaqada caymiska

dabcana wuxuu xusay in Tadawarka socdaa ee qaranku gaadhay in dalka ay kusoo wajahn yihiin shirkado caalamiya oo malgashi taas ayaana dedejinysa in aynu caalamka la jadqaadno oo diyarsanao caymis shaqo wadag la leh kuwa caalamiga ah ee aduunka ka hawlgala

ugu danbayna  gudoomiyaha caymiska qaranka Somaliland wuxuu booqday Xarunta wakalada haamaha kaydka shidalka Berbera  iyo Shirkada Dp wolrd ee mamusha dekada Berbera

Waftiga gudoomiyaha caymiska waxaa ka mida gudoomiye ku xigeenka hay’adda caymiska Cabdirashiid saleeban iyo isuduwaha Gobolka saxil  Siciid aadan Diiriye