Dad badan ayaa caado u leh inay buskud ku cunaan shaaha subax kasta, laakiin caadadan ayaa dambiilahan ku keentay dhibaato weyn isaga oo ka baxsanaya booliska Gujarat.
Dambiilahan ayaa lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii uu dilay xaaskiisa, waxaana uu sagaal sano kahor ahaa mid baxsad ah kadib markii la siiyay fasax .
Intii uu ku guda jiray baxsashada, mar kale ayuu guursaday wuxuuna ku noolaaday guri. Laakiin boorso buskud ah darteed, boolisku waxa ay heleen meesha uu ku sugnaa, waxayna dib u xireen dambiilaha.
Surendra Verma, oo ka shaqeyn jiray shirkad injineernimo oo ku taal Surat, waxa uu ku noolaa guri kiro ah oo leh hal qol iyo jiko ku yaal aagga Sachin ee Surat, halkaas oo uu marar badan khilaaf uu ku dhex maray xaaskiisa.
Sannadkii 2007, Surendra waxa uu dilay xaaskiisa waxaana qabtay booliska Sachin. Cadeymo xooggan iyo markhaatiyaal la helay darteed, Maxkamadda Surat ayaa ku xukuntay xabsi daa’in, iyada oo lagu xiray xabsiga Lajpore.
Taliyaha booliska Surat Nirav Gohil ayaa yiri, “Sannadkii 2016, Surendra Verma wuxuu codsaday in la sii daayo oo la siiyo fasax. Codsigiisa waa la aqbalay wuxuuna helay fasax 28 maalmood ah. Intii uu ku jiray fasaxa, Surendra wuu baxsaday, taas oo keentay in kiis laga diiwaangeliyo ‘Sharciga Xabsiga’ ee Saldhigga Booliska Sachin. Tan iyo wakhtigaasi oo uu baxsad ahaa.”
Ehelka Surendra, Ravindra Kumar, ayaa sheegay, “Qoyska Surendra ay lahaayeen dhul yar oo ku yaal UP, laakiin uusan jirin dakhli gaar ah. Surendra-na waxbarasho gaar ah ma helin. Maaddaama uusan beeraha ka helin dakhli wanaagsan , wuxuu ahaa wade bajaaj oo ka shaqeeya Karvi, oo 10 km u jirta tuulada Beohra.
Wuxuu intaasi ku daray “Intii uu halkaas joogay, wuxuu jeclaaday gabar, taasoo dhalisay muran tuulada dhexdeeda, sanadkii 2005-na, wuxuu guursaday gabar ka tirsan qabiilkiisa. Muddo kadib, shaqo raadin ayuu Surat u yimid isaga oo la socda dad ka yimid tuuladiisa, wuxuuna ka shaqeeyay warshad ku taal Sachin. Intaa waxaa dheer, wuxuu sidoo kale habeenkii ahaa wade bajaaj.”
Sidee isaga oo sagaal sano baxsad ahaa loo qabtay?

Boolisku waxay bilaabeen hawlgal gaar ah si ay u qabtaan Surendra, 42 jir ah, oo ku baxsaday fasaxii yaraa ee la siiyay.
Taliye Gohil ayaa yiri, “Marka hore, waxaan sameynay koox ka dib markii aan ka helnay xog dadka tuulada. Kooxda waxaa loo diray tuulada Beohra ee Uttar Pradesh si ay u baaraan. Waxaan sidoo kale xiriir la lahayn booliska UP.”
Surendra wuxuu filayay in maalin uun boolisku u imaanayaan iyaga oo raadinaya, sidaas darteed ma uusan la xiriirin waalidkiis iyo walaalkiis.
Boolisku waxaa ay ogaadeen in tuulada ay tahay mid yar, sidaas darteed si dulqaad leh ayay u wareysteen qaraabadiisa.
Waxaa la ogaaday in Surendra uu bajaaj ku wado Karvi, meel u dhow Beohra. Halkaas, boolisku waxay kula hadleen qaar ka mid ah wadayaasha bajaajta.
Markii boolisku ay tuseen wadayaasha bajaajta sawirka Surendra, mid ka mid ah ayaa sheegay in Surendra uu wadayaasha mootada uu kamid yahay, uuna hadda guursaday gabar kale wuxuu ku nool yahay guri kiro ah oo xaaskiisa ayuu la joogaa. Sidoo kale wuxuu leeyahay wiil.
Lix bilood ka hor, wuxuu ka qayb galay arooska walaalkiis ee tuulada Shankarpur. Markii boolisku weydiiyeen walaalka xaaska labaad ee Surendra, waxay ogaadeen inuu yahay shaqaale. Boolisku hadda waxay heleen lambarka taleefanka iyo cinwaanka xaaskiisa.
Surendra wuxuu caado u lahaa inuu buskud ku cuno shaaha subax kasta. Sidaas darteed, boolisku, isaga oo labisan dhar caadi ah, ayay laba maalmood ku sugeen gurigiisa.
Waxaa la qabtay 14-kii November, isaga oo la socda wiilkiisa ayna iibsanayaan buskud, booolisku waxa ay geeyeen Surat isagoo ka yimid Uttar Pradesh waxaana lahor geeyay maxkamada.


















