Sanam oo ah soo-galooti Iiraan u dhalatay oo Maraykanka toban sano kahor tagtay ayaa qarka u saarnayd inay noqoto muwaadin Maraykan ah. Sanado badan oo waraaqo ah, oggolaanshiyo, imtixaanno iyo baaritaanno amni ayaa gaarsiiyay meesha ugu dambaysa ee xaflada dhaarinta jinsiyadda Maraykanka.
Balse labo maalmood oo kali ah kahor dhaarinta December 3, dowladda Maraykanka ayaa si lama filaan ah u baajisay dhaarinteeda.
Sanam aad ayay u yaabtay una wareertay, wax sharraxaad ah lama siin. Ma aysan fahmin sababta xafladda loo joojiyay, iyada oo aan wax khalad ah samayn, sida ay u sheegtay BBC.
Gadaal ayay ka oggaatay in sababtu ay tahay meesha ay ku dhalatay.
Sanam oo codsatay in aan xogteeda la shaacin cabsi ay ka qabto in la ciqaabo ayaa kula nool Oregan saygeeda, oo ah muwaadin Maraykan ah oo ka soo jeeda Kansas.
Kiskeeda waa mid kamid ah kuwo badan, horraantii bishan, maamulka Trump ayaa bilaabay inuu baajiyo xafladaha jinsiyad-siinta muhaajiriinta ka yimid 19 dal oo dadkooda horayba looga mamnuucay inay galaan Maraykanka, Iiraana ay kamid tahay.
Go’aankan muranka badan dhaliyay ayaa dad badan oo sida Sanam oo kale oo haysta degenaansho rasmi ah galiyay xaalad hubanti la’aan ah ee nidaamkii ay ku heli lahaayeen muwaadinimada Maraykanka, kuwaasi oo sugayay oo kali ah habraacii u dambeeyay.



















