Raysal wasaaraha New South Wales oo isbitaalka ku booqday Axmed

0

Raysal wasaaraha New South Wales, Chris Minns, ayaa isbitaalka ku booqday Axmed al Axmed oo 43 sano jir ah, kaas oo kasoo muuqday muuqaal isaga oo ka qaadaya qoriga mid kamid ah kuwii soo weeraray Bondi Beach

“Axmed waa geesi dhab ah,” ayuu yiri Minns.

“Xalay, geesinimmadiisa cajiibka ah ayaa shaki la’aan badbaadisay nolosha dad badan markii uu hubka kaqaaday argagixiso isagoo halis weyn naftiisa u geliyay.

“Waxay ii ahayd sharaf inaan waqti la qaato hadda oo aan gudbiyo mahadcelinta dadka ku nool New South Wales oo dhan.

“Shaki kuma jiro in dad badan ay dhiman lahaayeen haddii aanu Axmed muujin geesinimo is-xilqaameed.”, ayuu yiri.

Maxay tahay Hannukah, munaasabadda ay u dabaal-degayeen Yuhuudda?

Hanukkah, ama Chanukah afka Cibraaniga, waa ciidda Yuhuuda ee iftiinka.

Erayga Hanukkah waxa uu macnihiisu yahay ‘ka go’naansho’ waxaana loo dabaaldegaa mid ka mid ah mucjisooyinka ugu waaweyn taariikhda Yuhuudda.

Taariikhaha Hanukkah sannad kasta way is beddelaan, laakiin had iyo jeer waxay dhacdaa Noofembar ama Disembar waxayna socotaa siddeed maalmood.

Munaasabad lagu xusayay maalinta koowaad ee dabaal-degga ayaa ka dhacaysay Xeebta Bondi xilliga toogashadu dhacaysay.

Warqad dhijitaal ah oo loogu talagalay munaasabadda, oo loogu magac daray Chanuka by the Sea 2025 (Chanuka lagu dhigayo badda), ayaa muujineysa in loo qorsheeyay inay ka dhacdo meel u dhow garoonka carruurta ee xeebta laga bilaabo 17:00 waqtiga maxalliga ah (06:00 GMT) Axadda.

Waxaa soo qabanqaabiyay xarunta Yuhuuda ee Chabad ee Bondi, xafladda waxaa loo qorsheeyay in lagu soo bandhigo maaweelo toos ah iyo waxqabadyo “da’ walba ah”. Ku dhowaad ​​1,000 qof ayaa la sheegay inay ka soo qayb galeen.