Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka Kristi Noem ayaa sheegtay in kala bar fiisayaasha lagu soo galay Minnesota ay yihiin “khiyaano” iyadoo ay socdaan baaritaano badan oo heer federaal ah oo lagu hayo gobolka.Â

“Waxaad ii sheegtay inaan eego Minnesota iyo khiyaanadooda fiisaha iyo barnaamijyadooda – 50% waa khiyaano, taasoo la micno ah in guddoomiye Tim Walz uu yahay doqon ama uu ula kac u sameeyay,” Noem ayaa sidaas tiri intii lagu jiray shirkii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan golaha wasiirrada ee madaxweyne Trump.
Noem ma aysan bixin ama ma keenin caddayn. warbaahinta ay BBC bahwadaagta yihiin ee CBS Minnesota waxay Arbacadii la xiriirtay waaxda iyada oo raadinaysa xogtaas iyo sidoo kale macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan habka baarista eedeymaha musuqmaasuqa fiisaha ama dal-kugalka.
Afhayeenkooda weli kama jawaabin codsi ay warbaahinta u dirtay oo arrimahan ku aadan.
Ana Pottraz Acosta, oo ah borofisar si kumeel-gaar ah wax uga dhigta Xarunta Socdaalka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Jaamacadda Minnesota Law School, ayaa sheegtay in tirada 50% “aysan u muuqan mid macquul ah” iyada oo ku saleynaysa khibradeeda labaatan sano ee ay qareenka ka ahayd Waaxda socdaalka.
Waxaan u maleynayaa ka hor inta aan la siin wax kalsooni ah tirada la sheegay, waxaan runtii jeclaan lahaa inaan arko xog badan oo gaar ah oo ka socota Waaxda Amniga Gudaha si aan u caddeeyo eedeymahaas sababtoo ah aad iyo aad bay u culus yihiin oo runtii waa in aan la sameynin haddii aysan jirin xog ama macluumaad lagu taageerayo sheegashadaas,” ayay tiri.
Acosta ayaa intaa ku dartay in heerka khiyaanada iyo wax isdabamarinta socdaalka uu yahay mid hooseeya guud ahaan sababtoo ah ciqaabta ka dhalan karta oo halis ah.
“Haddii aad xarayso codsi been abuur ah, waxay kuu keenaysaa in lagaa mamnuuco mustaqbalka helidda faa’iidooyin kale oo socdaalka,” ayay sheegtay. ” khayaanada guurka gaar ahaan, dawladdu aad ayay uga shakisan tahay dadka guursada muwaadin Maraykan ah, markaa culaysku waa adiga inaad soo bandhigto caddaymo badan si aad u caddeyso inaad leedahay xiriir daacad ah oo dhanka guurka ah.”

Bishii Septembar, Adeegga Jinsiyadda iyo Socdaalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay howlgal laga sameeyay Magaalooyinka Mataanaha ah Minneapolis iyo St Paul, ee lagu eegayo 1,000 kiis oo khiyaamo ama been abuur laga sameeyay socdaalka.
Baaritaanadaas ayaa keenay 42 tixraac ama kiis oo dabagal lagu sameynayo oo loo gudbiyay Kastamka iyo Socdaalka Mareykanka, isla maarkana afar qof oo kali ah ayaa loo xiray, taas oo qiyaastii tirada ka dhigeysa 0.5% kiisaskaas.
Noem waxa kale oo ay ku eedeeysay Barasaabka Minneapolis Tim Walz in ay suurtogal tahay in uu ogolaaday fiisooyin been abuur ah.
“Hadalladan waa kuwo la yaab leh, iyadoo la ogyahay in dowladda federaalka ay mas’uul ka tahay socdaalka iyo fiisaha,” ayay tiri afhayeenad u hashay barasaabka gobolka Minneapolis.
Hadalka xoghayaha amniga ee Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu maalin ka hor beegsaday muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan Maraykanka, isagoo hadallo arrimo kala duwan uu kaga hadlay oo uu jeediyay bulshada ku tilmaamay inay “waxba ku soo kordhin… anigu ma doonayo inay dalkeenna joogaan” ayuu yiri.
Hadalladan mas’uuliyiinta dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale ku soo aadaya iyadoo uu billowday howlgal lagu sheegay in lagu qaban-doono dadka laga soo saaray amarro masaafuris ah oo ku sugan magaalooyinka Minneapolis iyo St Paul, halkaas oo ay ku nool yihiin dad badan oo asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeda.



















