
Bartamihii Oktoobar, hal sano kadib markii la xiray, saraakiisha socdaalka Mareykanka ayaa weeraray Majid gurigiisa oo ku yaall gobolka Texas.
Waxay u sheegeen in uu “alaabtiisa soo xirxirto” – lana qaadi doono – inkastoo garsoore sii damaanad qaad ka hor tagaya in dalka laga masaafuriyo muddo shan bilood ah.
Gacmaha, anqawyada iyo cagaha ayaa loo galiyay biro waxaana loo qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Louisiana.
Majida – oo aan ahayn magiciisa dhabta ah – waxa uu ka cararay Iiraan Oktoobar 2024 kadib markii marar badan la xiray lana jirdilay; markii hore wuxuu ka qayb-galay mudaaharaadyadii ka dhashay dilkii Mahsa Amini, dabadeedna wuxuu ka baxay diinta Islaamka wuxuuna noqday Masiixi.
Mas’uuliyiintu waxay saareen diyaarad u socotay dalka Nicaragua, oo ay la socdaan 149 qof oo kale, isaga oo ahaa qofka keliya ee aan ahayn Latin Ameerikaan. Waxaa loo diiday magangelyo, waxaana la saaray duulimaad maraya Venezuela, Turkey, ka dibna ku celin lahaa dalkiisa Iiraan.
Ugu dambeyn waxa uu ku guulaystay inuu ka helo meel uu ku dhuunto magaalada Istanbul, isagoo ka cabsi qabay waxa uu kala kulmi karo gudaha Iiraan.
Wuxuu ka mid yahay dhowr Iraniyiin Masiixiyiin ah oo la hadlay BBC-da – intooda bandanna waxey muujinayeen cabsi. Badankood looma oggolaan magangelyo sanadkii la soo dhaafay.
Kiiskooda wuxuu sii iftiimiyay caqabad laba-geesood ah oo ku haysata siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka, maadaama Madaxweyne Donald Trump uu marar badan ka muujiyay walaac ku saabsan dilalka lagula kacayo Masiixiyiinta dibadda, xitaa wuxuu ku hanjabay inuu ciidamo u diro Nigeria ‘haddii dowladda ay sii waddo inay ogolaato in Masiixiyiinta la laayo.'”
Doomaha qaxootiga
Iyadoo Mareykanku weli sii wado masaafurinta dadka aan sharciga haysan, haddana waxa uu sameeyey isbeddel weyn oo ku saabsan hab-dhaqankiisa ku aaddan Iraaniyiinta magangelyo-doonka ah.
Bishii Sebteembar, diyaarado dhowr Iraaniyiin ah looga qaaday Mareykanka ayaa la geeyay dalkooda iyagoo maray Qatar — waana markii ugu horreysay sannado badan oo xiriirka diblomaasiyadeed ee Iran iyo Maraykanka uu xumaa in tallaabo noocaas ahi dhacdo. Markan, waxa ay calaamad u ahayd iskaashi u dhaxeeya labada dal.
Toban iyo dhowr qof oo Iraaniyiin ah ayaa la sheegay in ay diyaarad ay qaadday, iyagoo gacmaha iyo lugaha la isaga xiray. Nin lagu magacaabo Sina ayaa sheegay in waardiyayaal ay ka kexeeyeen Qatar oo ay geeyeen Tehran, halkaas oo markii ay ka dageen laga waraystay muddada ay ku sugnaayeen Maraykanka.
Waxaa rakaabka ka mid ahayd xaaska Cali, oo ah Masiixiyad ka soo baxday Diinta Islaamka, halka Cali uu haatan ku nool yahay Maraykanka. Saraakiisha sirdoonka Iran ayaa la xariiray xaaskiisa oo casuumaad u diray.
“Waxay xaaskayga dib ugu celiyeen Iran inkastoo ay Masiixiyad tahay,” ayuu yiri Cali, oo magaciisa la beddelay si isaga iyo xaaskiisa loo ilaaliyo. “Hadda sirdoonka Iran ayaa aniga iyo iyadaba raadinaya.”
Qareen Cali Herischi, oo u doodayo Cali, xaaskiisa, iyo qaar kale oo la masaafuriyey duulimaadkii Sebteembar, ayaa sheegay in xog muhiim ah aan laga saarin dukumentiyadooda ka hor inta aan dib loogu celin Iran — sida diintooda, aragtiyahooda siyaasadeed, iyo sababihii ay u dalbadeen magangelyo.

Maxey dib ugu laabashada Iiraan khatar ugu tahay Masiixiyiinta?
Dadka ka baxay diinta Islaamka ee noqday Masiixiyiinta waxay ka yihiin tiro muhiim ah dalka Iiraan waxaana ay gaarayaan 800,000-, sida uu sheegay Steve Dew-Jones oo ka tirsan Article 18 ee fadhigeedu yahay UK, oo u kuurgala xaaladda Masiixiyiinta Iiraan.
Maadaama kaniisadaha ay dawladdu xirtay, dadku waxay bilaabeen inay kanaasiisado ka sameystaan guryahooda guud ahaan dalka. Laakiin, sida uu sheegay Dew-Jones, tacaddi iyo xanibaad ayaa weli lagu hayaa dadkaas.
Iiraan waxay u aragtaa ka-tagidda Islaamka in ay tahay riddoobid halis ah, iyadoo dadka sidaas sameeya la xiro ama xitaa lagu xukumi karo xabsi.
Tirada dadka lagu hayo xabsiyada ayaa lix jeer-laba laabantay korodhay intii u dhaxaysay 2023 iyo 2024, sida uu sheegtay Xarunta Xuquuqul-Insaanka ee Iiraan.
“Tan iyo dagaalkii dhawaan ka dhex dhacay Israa’iil iyo Iiraan, masuuliyiinta Iiraan si isa soo taraysa ayay u adeegsadeen ereyga ‘Masiixiyiinta’ oo ay ula jeedaan Masiixiyiinta u janjeera dhanka Israa’iil. Dalku wuxuu diimaha dadka ku tilmaamay khatar amniga qaran,” ayuu yiri Dew-Jones.
Dadka badan ee reer Iiraan ee magangelyo u raadsada dalalka kale waxay sababta ugu weyni u tahay diinta, halka masuuliyiinta dalka ay ku eedeeyaan inay isku dayayaan inay ku qasbaan ama xitaa ku been abuuraan inay beddeleen diintooda si ay u helaan magangelyo.
Si kastaba ha ahaatee, ma fududa in la kala garto dadka runta sheegaya si ay uga fogaadaan jirdilka iyo kuwa beenta sheegaya beddelka diinta si ay u helaan magangelyo.
“Waxba lagama ogaan karo runta diinta qofka – sababtoo ah qofka qalbigiisa waxa ku jira lama arki karo,” ayuu yiri Dew-Jones. “Dabcan nidaamka waa la marin habaabin karaa, balse waxaan aragnay dad badan oo la dulmiyay oo caddeyntoodii aan maxkamaduhu si dhab ah u tixgelin.”
Noloshu waa hubanti la’aan.
Sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka reer Iiraan iyo khubaro sharci, dadka magangelyo-doonka ahi waxay la kulmaan natiijooyin kala duwan, xitaa marka ay qoys keliya ka yimaadeen.
Dabayaaqadii Juun, wakiillo ka tirsan ICE ayaa tagay guriga Marjan iyo Reza ee Los Angeles. Marjan ayaa lagu arkay muuqaal uu duubay wadaadkooda kaniisadda iyadoo miyir beeshay, halka ay ciidamadau ku jireen qabanqaabada qabashada ninkeeda.
Lamaanahan reer Iiraan, oo ka baxay diinta Islaamka, waxay magangelyo ka dalbadeen Maraykanka. Toddobaadyo kadib, Marjan waxaa loo oggolaaday magangelyo gudaha California, halka Reza lagu xiray New Mexico isla markaana lagu amray in loo tarxiilo dal kale.
Kadib xariggoodii bishii Juun, Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa ku eedeysay inay yihiin “sharci darro halis ku ah amniga qaran,” sida lagu sheegay fariin lagu qoray barta X.

Pastor Ara Torosian, oo duubay muuqaalka, ayaa su’aalo waydiiyay saraakiisha .Ammaanka Gudaha (Homeland Security) isagoo u sheegay in lamaanuhu si sharci ku soo galeen Mareykanka.
Wuxuu u sheegay in ay si sharci ah ku soo galeen Mareykanka isla markaana ay magangalyo soo dalbadeen “Sidee ninka loo xukumi karaa, laakiin xaaskiisa loo sii dey karaa ?” ayuu weydiiyay wadaadka. Isaguna wuxuu ka cararay Iiraan sanadkii 2010 ka dib markii la xiray isagoo lagu tuhunsanaa inuu Masiixi noqday.



















