Maxaa laga yiri go’aanka Trump uu ugala noqday sharciga Soomaalida Minnesota ka difaacaya inaan la tarxiilin?

0

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay Jimcihii inuu si degdeg ah u joojinayo barnaamijka difaaca siinaya Soomaalida Maraykanka ee (TPS) isaga oo ku andacooday inay koox Soomaali ah ay argagax galinayaan dadka gobolka Minnsota. Barnaamijkan ayaa soo bilowday 1991 oo uu xilligaasi uu talada hayay madaxweyne xisbiga Jamhuuriga.

”Koox Soomaali ah ayaa argagax galinaya dadka gobolkaasi weyn, waxaana la waayay balaayiin doolar,” ayuu Trump ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social.

”Aniga, ka madaxweynaha Maraykanka ahaan, halkan ayaan ku joojinayaa, iyada oo dhakhso loo dhaqan galinayo, barnaamijka ilaalinta ku meel gaarka ah (TPS) ee Soomaalida Minnesota,” ayuu yiri.

Trump ayaa ugu yeeray Minnesota ”xuddun dhaqaale sharci daro ah oo lacag dhaqida ah” oo hoos imaanaysa barasaabka dimuqraadiga Tim Walz, taas oo u muuqata inay tahay jawaab ka timid warbixino warbaahineed oo aan la xaqiijin, oo ay la wadaageen sharci dajiyayaal Jamhuuriyiin ah, oo sheegay kooxda mintidiinta Alshabaab ee Soomaaliya ay ka faa’iideystaan wax-isdaba marin ka dhacday Minnesota.

Walz ayaa dhankiisa qoraal uu soo dhigay X ku sheegay ”Ma aha wax la yaab leh in madaxweynaha uu doortay in si guud u beegsado bulsho dhan. Tani waa waxa uu sameeyo si uu mowduuca u beddelo.”

Barnaamijka TPS ee Soomaalida ayaa la bilaabay wakhtigii madaxweynihii hore George H.W. Bush, bishii September 1991. Waxa ay siisaa difaac dowladeed dadka ajaanibka ah ee u qalma, kuwaas oo dalkooda si nabad ah ugu noqon karin, sababo la xiriira dagaal sokeeya ama musiibooyin dabiici ah.

Ila iyo 17 dal ayaa u qalma barnaamijkan, waxase maamulka Trump uu ku dhawaaqay inuu ka joojinayo TPS dhow dal oo ay ku jiraan Venezuela iyo Nicaragua.

Maamulka madaxweynihii ka horeeyay Trump ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ayaa kordhiyay u qalmida Soomaalida ee barnaamijka oo uu gaarsiiyay ilaa bisha Maarso 17, 2026.

Soomaalida Minnesota badankood waa muwaadiniin Maraykanka ah, waxaana jira oo kali ah 705 dad Soomaali ah oo haysta TPS, sida laga soo xigtay warbixin ay soo saartay adeegga cilmi-baarista baarlamanka ee dhinacna u janjeerin. Haddii la barbar dhigo, in ka badan 330,000 oo u dhashay Haiti oo haysta TPS iyo 170,000 oo ka soo jeeda El Salvador.

Jaylani Hussein oo ah agaasimaha fulinta ee golaha xiriirka Maraykanka-Islaamka ee Minnesota ayaa isaga oo ay soo xiganayo wakaalada wararka Reuters sheegay in go’aanka Trump uu niyad-jab ku yahay, maaddaama Soomaalida su’aasha la galiyay ay ahaayeen muhaajiriin sharci ah, waxaana uu intaa ku daray in tallaabada Trump ay kala kaxayn karto qoysas.

”Kuwani waa muhaajiriin sharci ah mana ahan inay la kulmaan dhibaato ka dhalatay ciyaar siyaasadeed oo lagu ciyaaro bulshada muslimka ah.Dadkani waxaa ay raacayeen sharciga,” ayuu yiri.

Abshir Cumar oo ah xeeldheere siyaasadeed oo isagana ay soo xiganayso Reuters, horayna u taageeray Trump doorashadii madaxweynanimo ee 2024 ayaa sheegay inuu filayo go’aanka in la horgeeyo maxkamad.

Waxa uu sheegay in go’aankaasi uu dhaawici karo xiriirka dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee muddada dheer ee Soomaaliya la leedahay oo Maraykanka u soo bandhigay Maarso, maamulid gaar ah oo hawadeeda iyo Dekedeheeda ah, ayna isla markaas muujisay danaynta iskaashiga shirkadaha Maraykanka si loo sahmiyo keydadkeeda shidaalka ee waaweyn.

Musharaxii dhowaan u tartamay duqa magaalada Minneapolis, ahna senator heer gobolka ah Cumar Faatax ayaa bartiisa bulshada ku soo qoray ”Madaxweynuhu ma haysto awood uu kaligiis ku joojin karo barnaamijkan”