Xog cusub: Raysalwasaaraha Itoobiya oo maanta wax laga weyddiiyay heshiiyadii uu la galay Somaliland iyo Soomaaliya

0

Raysalwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo la hadlayay baarlamaanka dalkiisa ayaa mar kale ku celiyay sida ay Itoobiya ku lumisay Badda Cas oo uu sheegay “in qaladaad sharci ah ay ka jiraan”.

Abiy waxa uu sheegay in go’aanka uu dalkiisu ku lumiyay marin-badeedka Badda Cas aanu ahayn mid ay gaadheen golihii wasiirrada ee waqtigaas, islamarkaana aanay jirin hay’ad sharci ah oo ansixiyay, baarlamaan meelmariyay iyo afti laga qaaday shacabka Itoobiya.

“Itoobiya badda waxay ku wayday halgan qaatay 30 sano. Rafaad badan ka dib ayay weyday. 30 sano oo dambe in ay qaadan doonto uma malaynayo. Waddo xasilloon oo wadahadal ah in lagu socdo ayaa loo baahan yahay,” ayuu yiri Abiye.

Isaga oo ka hor hadlayayay baarlamaanka ayuu hadalkiisa raaciyay: “Markii aan rogrognay documentiyadii golaha wasiirrada wax ku jira ma leh. Golaha wasiirradu kama warqabin. Maya e’ waxa ansixiyay golaha wasiirrada. Baarlamaanku waxba kama ogayn. Xitaa waxba kama jiraan in dadka Itoobiyaanka ah afti laga qaaday”.”Annaguba xilligaas waan joognay. Sharci Itoobiyaan lagu ma ansixin”.  

Intii uu socday fadhiga baarlamaanka ee dalka Itoobiya, xildibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Shacabka ayaa weyddiinayay weyddiimo toos ah. Waxa ka mid ahaa xildhibaanka mucaaradka ah ee la yidhaahdo Desalegn Chaneoo isaga su’aashiisu ay u dhignayd sidan:

“Dawaldda qaabka ay wax u waddo waxa uu u muuqdaa mid aan natiijo lahayn. Markii kowaad, Eriteriya ayaa heshiis lala galay. Waxa la sheegay in dekadaheeda la isticmaalayo oo waxa la dayactiray waddooyinkii. Qaab aanaan ogayn ayaa loo joojiyay. Haddana, waxa heshiis lala galay Somaliland. Mar kale, Jabuuti ayaa lagu la heshiiyay horumarinta dekadda Tajoora. Jeer kalana, Ankara ayaa Soomaaliya lagu la kulmay. Laakiin natiijo la taaban karo laga ma soo hoyn… mudane, raysalwasaare, miyaanay ahayn in khaladaadkeenna aan wax ka baranno?”

Ka jawaabista su’aalahaas iyo qaar kale, waxa uu raysalwasaare Abiy bixiyay sharraxaad ballaadhan oo ku saabsan rabitaanka Itoobiya ee ah in ay hesho marin-biyood in uu yahay in uu yahay mid sharci ah. Dhinaca kale, waxa uu codsaday in caalamku ay ka garaabaan oo ay qaataan door dhexdhexaadin ah.

“Haddii dagaal dhaco waa la yaqaan natiijadiisa”

Dhinaca kale, waxa uu farriin adag u diray Eretriya oo in muddo ah xidhiidh ka dhaxeeya labada dal aanu wanaagsanayn. Abiy waxa uu mar kale ku celiyay in aanay Itoobiya wax qorshe ah ka lahayn dagaal dhex mara iyaga iyo Eretriya.

“Walaalahayo Erteriya waxa aan ugu baaqayaa, dagaal idin lama rabno, laakiin xabbad-gudbiyayaal ha noqonina. Dal noqda. Ma fiicna in dalal deris ah xabbad la isugu gudbiyo. Ka waantooba arrintaasi. Tuhun ma ah ee waan aragnaa,” ayuu yiri Abiy.

“Anigu waan rabaa sidii hadda ka horba aan sameeyay in aan Asmara tago. Dagaal ma rabno. Mashaariic balaayiin doollar ah ayaan ka shaqaynaynaa. Dagaal wakhti uma haynno. Haddii dagaal dhaco waa la yaqaan natiijadiisa. Wixii intaa ka dambeeyaana waa qaylo uun. Sidee qof isugu aamina karaa dal kale oo uu u dhihi karaa dal hebel baa i caawinaya, iyada oo la arkayo Ukrayn iyo Falastiin. Cid kuu dhimanaysaa ma jirto aan ka ahayn in niyadda laguu dhiso,” ayaa uu raaciyaya hadalkiisa Abiy.