Ganacsatada Xoolaha Dhoofisa ayaa saaka siwayn ugu gilgishay Cashuur labaad oo mayorka magaalada Burco amar ku bixiyay in laga qaado Xoolaha,, Sida lawada Ogyahay Xoolaha kasoo gala Xadadka Somaliland ay la leedahay Degaamada jaarka la ah ayaa lagusoo cashuraa Xoolaha iyadoo ay waligeedba sidaa ahayd,
Burco waxa ku taal saylada ugu wayn ee xoolaha lagu kala iibsado sida wararka ay ku helayso warbaahintuna Mayorka Burco Maxxamed case ayaa ku amrey ganacsatada in ay cashuur labaad Bixiyaan isagoo u sheeegay mar ay la kulmeen saaka in aan isaga waxba ka khusayn degaamada cashuurta lagag soo qaaday Xoolaha lakiin uu isagu doonayao cashuurtii Burco, iyadoo degamadaasi ay ka tirsan yihiin gobolka Togdheer sida Xaaji saalax iyo caynabo,
Wararka qaar ka mida ganacsatada xooluhu usoo dusiyeen warbaahinta ayaa sheegaya in xaaladasi cakiran ay udacwo tagen Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Cali hayste Ramaax kulankasina garowshiyo ay heleen ganacsatadii la kulantay badhasaabku waxaanu amrey in wax waliba sidii hore ku socdaan oo an cashuur labaad la waydiin ganacsatada Xoolaha ka shaqaysta,
Mid kamida ganacsatada oo khadka telofanka iigu waramaya aya sheegay in Culysyada baryahan haysta ganacsatada ay ka mid yihiin wasaarada Xanaanada Xoolaha oo dekada Berbera ka joojisay in laga rarao Xoolaha yar yar taasi oo kaliftay ayuu yidhi in Adhigii yaryara u wareego jabuuti iyadoo laga galiyo Xadka Lowyacado,
Dhoofka Xooluhu waa Xudunta dhaqaale ee Soomalida degta mandaqada Geeska Afrika ay leedahay waana isha laga Helo lacagta adag e Doolarka a ah ta kalena waa baayac mushtarka ugu badan waxa debada loo dhoofiyo ee guud ahaanba Soomalidu dirto,
Dalka Jamhuuriyad Somalilan,na waa isha dhaqaale ee lacagta Adagi ugasoo xerooto Xoolaha laga dhoofiyo Dekadaheeda sida Berbera oo ah Dekada ugu badan ee dirta Xoolaha Soomalida Degaan kasta haka yimada e wuxuu ka dhoofaa Dekada Berbera, wana dhuunta ugu dhow Xoolaha taga Sucuudiga oo ah ka xoolaha ugu badan ka Iibsada Soomalida ,
Dabcana waxaa la filyay in dhoofka xooluhu kor u kaco maadama labo wadan oo suuq wayn ku laha Khaliijka carabta khaastan Sucuudiga ay khadka ka baxeen sida Australia oo iskeed ujoojisay xoolihii ay udiri jirtey wadamada khaliijka iyo Suudaan oo dagaalo nafeeyeen oo tahli wayday in ay xoolo dirto,
hadaba taa bedelkiidina waxa la filayay in ay kor ukacaan xoolaha loo diro wadamad khaliijka ilaa imikana ma muuqdo isbdel korodh,
Biyoguure News