Hoggaamiyaha Xamaas Khaliil Al-Xayya ayaa wareysi uu siiyay Cairo News Channel oo laga baahiyay waaberigii Talaadada magaalada Qaahira, wuxuu ku yidhi: “Annagu waxaan go’aansanay inaan heshiiska dhammaantiisa fulino.”
Wuxuu intaas ku daray in heshiisku sii jiri doono “sababtoo ah annagu sidaas ayaan rabnaa, waxaanan leenahay rabitaan xoog leh oo aan ku sii wadno.” Wuxuu sidoo kale xusay dadaallada caalamiga ah ee lagu gaaray heshiiska.
Khaliil Al-Xayya wuxuu ammaanay doorka dhexdhexaadinta ee ay qaateen Masar, Qatar, iyo Turkiga, wuxuuna tilmaamay in: