Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hoggaamiyeyaasha Masar, Qadar iyo Turkiga ayaa saxiixay baaq nabadeed oo ku saabsan sidii Qasa loogu soo dabaali lahaa nabad kadib shir madaxeed ka dhacay magaalada Sharm el-Sheikh ee dalka Masar.
“Maalin cusub oo qurux badan ayaa soo kacaysa, haddana dib-u-dhiska ayaa bilaabmaya,” ayuu yiri Trump, isaga oo ammaanay hoggaamiyeyaasha gobolka ee gacan ka geystay xabbad-joojintii Israa’iil iyo Xamaas.
Mar sii horreysay, khudbad uu u jeediyay baarlamaanka Israa’iil, ee Knesset, ayuu madaxweynuhu u sheegay sharci-dejiyayaasha farxadda u muujinaya in “Riyadii dheeraa ee xanuunka badnayd ay ugu dambayntii dhammaatay”.
Israa’iil ayaa sii deynaysa 250 maxaabiis Falastiiniyiin ah iyo in ka badan 1,700 oo kale oo Falastiiniyiin ah oo lagu xiray hawlgalladii milatari ee labadii sano ee la soo dhaafay ka socday Qasa, taas oo ay ku beddelatay 20kii u dambeeyay ee Israa’iil la hayste ah oo ay haysteen Xamaas.Isweydaarsiga, oo ah wajigii ugu horreeyay ee qorshaha nabadda ee Trump, ayaa sidoo kale lagu wadaa in lagu daro soo celinta meydadka 28 la haystayaasha Israa’iil ah.
Isagoo joogay Masar, Trump waxa uu dhoola-caddeynta la qeybsanayay madaxweynaha Masar Abdul Fattah al-Sisi iyo in ka badan 20 hoggaamiye oo kale oo adduunka ka socda.
“Qof walba wuu faraxsan yahay,” ayuu yiri Trump, isagoo intaas ku daray inuu horay u sameeyay “heshiisyo waaweyn” laakiin “tani waxay u dhacday sidii markab gantaallo ah”.
“Tani waxay qaadatay 3,000 oo sano in la gaaro heerkan, ma rumaysan kartaa? Wayna sii soconaysaa,” ayuu yiri.
Xafladda ka dib, Madaxweyne al-Sisi waxa uu Trump ku abaalmariyey Amarka webiga Niil, oo ah silsilad ka samaysan dahab saafi ah oo loo arko in ay tahay sharafta ugu sarraysa ee Masar.
Madaxweynaha Masar ayaa maalintan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo soo afjaraysa cutub xanuun badan.
Hoggaamiyeyaasha badan ee caalamka ee shirkaas ka soo qaybgalay oo fursad sawir ah u istaagay Trump waxaa ka mid ah madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas, oo wax ka yar toddobaad ka hor Maraykanku ka hor istaagay inuu ka qayb galo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York.
Inkastoo wejigii koowaad ee heshiiska xabbad joojinta la meelmariyay, haddana waxaa jirta su’aal taagan oo ah doorka maamulka Falastiin uu ugu dambeyntii ka qaadan karo Qasa.
Trump ayaa sheegay in wajigii labaad ee wada xaajoodka heshiis nabadeed uu socdo.
Intii lagu guda jiray khudbaddiisa Knesset, madaxweynaha Mareykanka wuxuu soo jeediyay in gobolka uu wajahayo “waaberigii taariikhiga ahaa ee Bariga Dhexe ee cusub”.
Erayadiisu waxaa ka dhadhameysay oraahdii uu adeegsaday markii Israa’iil ay heshiisyo taariikhi ah la gashay dhawr waddan oo Carbeed muddo-xileedkiisii ugu horreeyay.
“Ugu dambayn, kaliya maaha Israa’iil ee sidoo kale Falastiiniyiinta, riyooyinkii dheeraa ee xanuunka badnaa ayaa ugu dambayntii dhammaaday,” ayuu Trump u sheegay baarlamaanka Israa’iil.
Waxa ku sii daray jawiga farxadda leh ee qolka ka dhex muuqday, siyaasiyiintu waxay ku dhawaaqayeen “Trump, Trump, Trump”.
Xabbad-joojintii uu ka caawiyay inuu dhexdhexaadiyo waxay ahayd “horumarkii ugu adkaa ee dhammaantood, horumarkii ugu adkaa ee laga yaabo abid”, hoggaamiyaha Mareykanka ayaa sidaas yiri. Waxa uu tilmaamay in soo afjarida dagaalka Ruushka iyo Ukraine ay noqon doonto waxa xiga ee diiiradda la saarayo.
Trump ayaa sawir ka bixiyay qaar ka mid ah wada hadalladii uu dhawaan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo sheegay in uu dareemayo in ololaha militariga Israa’iil ee Qasa uu noqonayo mid “xun” oo “kulul”.
“Waxaan ku iri, ‘Biibi waxaa lagugu xasuusan doonaa wax ka badan haddii aad waxan sii waddo, aad waddo, disho, disho, disho’,” ayuu Trump dib u xusuustay.
Isgaoo Trump kusoo dhoweynayay baarlamaanka, Netanyahu wuxuu ku tilmaamay madaxweynaha Mareykanka “saaxiibkii ugu weynaa” ee Israa’iil ay ku yeelato Aqalka Cad.
“Wax walba way is beddeleen” hab-dhaqanka Maraykanka ee ololihii milatari ee Israa’iil ee Qasa markii Trump mar labaad loo doortay madaxweynaha Maraykanka sannadkii hore, ayuu yiri.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa uga mahad-celiyay Trump “caawintiisa aan kala go’a lahayn” ee lagu xaqiijinayo soo celinta la haystayaashii haray – qayb ka mid ah koox ka kooban 251 qof oo lagu qabtay weerarradii 7-dii Oktoobar 2023 ee koonfurta Israa’iil ee Xamaas.