Sidee buu injineerkan u beddelay kaararka ATM-ka ee ay dad lahaayeen si uu lacag uga dhaco

0

Tamil Salvi, 58, waxay degan tahay Chennai, Tamil Nadu, Hindiya, Wuxuuna ka shaqeeyaa hay’ad dowladeed.

Habeenkii 30-kii Luulyo, wuxuu aaday xarunta ATM-ka ee ku dhex taal dhismaha xarunta tareenka ee Tambaram.

Tamil Salvi wuxuu ku andacooday isagoo joogay saldhiga booliska ee Tambaram “Waxaan isku dayay in aan Rs 1,000 kala baxo kaarka ATM-ka ee halkaas ku yaala laakiin lacagta ma aysan soo bixin”.

Isla markaas, nin meeshaas joogay ayaa ii soo bandhigay inuu iga caawiyo sidii aan lacagta ugala bixi lahaa mashiinkaTamil Salvi ayaa sheegay inuu aaminay ninka oo uu xitaa u dhiibay kaarkiisa ATM-ka. Intaa ka dib, ninku wuxuu kaloo damcay inuu lacag kala baxo.

“Tamil Salvi wuxuu ku yiri cabashadiisa, “Laakin lacagtu ma aysan soo bixin, ka dib qofkii ayaa igu soo celiyay kaarka ATM-ka. Isla habeenkaas toban kun oo Rupee ayaa afar jeer lagala baxay akoonkayga”.

Wuxuu sheegay in maalintii xigtay uu helay fariin qoraal ah oo loogu sheegayo in 40,000 oo kale lagala baxay akoonkiisa ATM-ka.

Madaxa Laanta Dambiyada Muthu Subramanian ayaa sheegay in eedaysanuhu uu kaarka ATM-ka ka qaatay Tamil Salvi sababtoo ah lacagta lagama soo saarin ATM-ka ku yaal dhismaha saldhigga tareenka.

Muthu Subramanian ayaa sheegtay in eedaysanaha uu si fudud u bedelay kaarka Tamil Salvi oo uu siiyay kaar kale oo u eg.

Bilayska Laanta Dambiyada ee Tambaram, ka dib markii ay diiwaan galiyeen kiis khiyaano ah oo ku salaysan cabashada Tamil Salvi ayaa bilaabay baaritaan iyaga oo dib u eegaya muuqaalka CCTV ee lagu rakibay ATM-ka.

Booliska ayaa kiiskan ku xiray nin lagu magacaabo Thimariappa oo kasoo jeeda Karnataka. Booliska ayaa sheegay in Thimariappa uu yahay nin ka qalin jabiyay kulliyadda injineerinka, horayna uga shaqeeyay shirkad IT ah, kadibna wax ka dhigayey koleej gaar loo leeyahay.

Subramanian ayaa sheegay in markii dib u eegis lagu sameeyay muuqaalka CCTV-ga, lana xaqiijiyay in qofkani uu ku lug lahaa fal-dambiyeedka, in sawirkiisa la galiyey mareegta WhatsApp-ka ee booliiska.

“Markaa waxaan ogaanay inay Tamil Nadu ka diiwaan gashan yihiin in ka badan shan kiis oo ka dhan ah qofkan.”

Booliska ayaa sheegay in markii hore ay ku adkaatay in ay aqoonsadaan tuhmanaha.

Kormeeraha booliska wuxuu leeyahay, “Eedaysanuhu wuxuu kaliya beegsaday ATM-yada ku yaal aagga xudduudaha ee waqooyiga Tamil Nadu”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in labo bilood kadib Eedeysanaha uu dib ugu laabtay Xarumihii ATM-ka ee deegaanka Tambaram. Tamil Salvi ayaa sidoo kale aqoonsaday qofka tuhmanaha ah ka dib markii ay booliisku xireen. 

ilayska Tambaram ayaa sheegay in intii lagu jiray xilligii uu socday cudurka Corona, Thamariappa uu lumiyay lacag badan oo khamaarka khadka ah, taas oo ay ugu wacan tahay inuu khiyaaneeyay dadka yimid ATM-ka.

Booliska Tambaram ayaa sheegay in 15,000 oo Rs oo kaash ah iyo in ka badan konton kaararka ATM-ka laga soo helay eedaysanaha.

Kormeeraha booliska wuxuu leeyahay “Qofka la xiray wuxuu yaqaanaa afar luqadood – Tamil, English, Kannada iyo Telugu, taas oo ay ugu wacan tahay inuu awooday inuu dadka si fudud u khiyaaneeyo”.

Waxay sheegeen in Thamarayappa uu si joogto ah ugu lug lahaa khiyaanadan oo kale wuxuuna bartilmaameedsaday dadka aan si fiican u fahansanayn bangiyada iyo kaararka ATM-ka.

Sida laga soo xigtay Subramanian, inta lagu guda jiray mashaqadan Thamarayappa wuxuu ag istaagi jiray qofka isticmaalaya ATM-ka si uu u arko PIN-kiisa. “Wuxuu markaa ku bedelayaa kaarka ATM-ka dhibbanaha kaadh bangi oo midabkiisu la mid yahay kiisa isagoo marmarsiinyo uga dhigaya inuu caawiyo” ayuu yiri.

Kiis ku saabsan khiyaano iyo si xun u isticmaalka tignoolajiyada macluumaadka ayaa laga diiwaan galiyay Thamarayappa saldhiga booliska ee Tambaram.

Kormeeraha booliska wuxuu ku taliyey haddii uusan qofku aqoon sida lacagta loogala baxo mashiinka inuu kaxaysto qof uu ku kalsoon yahay.

Waxa uu sheegay in marka laga reebo arrintan ay dadka qaarkii ku qoraan lambarka ATM-ka dhabarka dambe ee kaarka. Tani waxay sidoo kale sabab u tahay lacagta la xado.

Waa maxay noocyada khiyaanada ka dhaca ATM-yada?

Qareen la yiraahdo Karthikian oo sidoo kale khabiir ku ah amniga internetka ayaa sheegay in ay jiraan noocyo kala duwan oo khiyaamo ah oo ku wareegsan ATM-yada.

Wuxuu sheegay in dambiilayaasha qaarkood ay qalab yar dhigaan mishiinka ATM-ka ee kaadhka la geliyo.

“Marka kaarka la geliyo mishiinka noocaas ah si lacag loogala baxo, qalabku wuxuu baarayaa dhammaan faahfaahinta kaarka, dambiilayaasha ayaa markaa isticmaala macluumaadkan si ay u xadaan lacagta dadka.”

Sida laga soo xigtay Karthikian, qalabka noocan oo kale ah ayaa diiwaangeliya lambarka kaarka ATM-ka, taariikhda uu dhacayo iyo lambarka CVV. Waxa uu sheegay in ka dib macluumaadkaas la ururiyo oo loo isticmaalo in lagu sameeyo kaadhka ATM kale iyada oo loo marayo wax la yiraahdo cloning si loo sameeyo khiyaano.

Sidee looga fogaadaa khiyaanada ATM?

Karthikian ayaa sheegay in ay jiraan dhawr arrimood oo ay tahay in maskaxda lagu hayo ka hor inta aanad isticmaalin mishiinka ATM-ka:

Kahor intaadan gelin kaarka ATM-ka, hubi mishiinka si aad u xaqiijiso inuusan jirin qalab ku xiran.

Dembiilayaashu waxay inta badan ku dhejiyaan xarfaha la garaaco (Keypad) ee ATM-ka mid kale oo ka sii sarreeya. Rux halka ay ku fadhiyaan xarfaha oo arag haddii uu ka dhaqaaqayo meeshiisa, markaas waxaad ogaanaysaa inay wax khaldan yihiin.

Dembiilayaashu waxay inta badan adeegsadaan koollada si ay ugu xiraan keypad-ka ama aaladda, taas oo sahlaysa in meesha laga saaro.