Dalalka Somaliland iyo Taiwan oo xoojiyey iskaashigooda maaliyadeed iyo diblomaasiyadeed
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Baanka Dhexe ee Somaliland, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Cabdinasiir Axmed Xirsi, ayaa kulan heerkiisu sareeyo la yeeshay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Taiwan, Ambassador Wu Chih-chung François, iyo mas’uuliyiin kale oo sare sare.


Kulanka ayaa daarnaa adkaynta xidhiidhka gaarka ah ee labada dal, iyadoo labada dhinac- Baanka Somaliland iyo Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Taiwan weeyaane- ay isla meel dhigeen iskaashi cusub oo dhinacyada Maaliyadda, Ganacsiga iyo Tignoolajiyada ah.
Guddoomiyaha Baanka Somaliland oo hadal ka jeediyey kulanka, waxa uu xusay kaalintii uu hore uga qaatay aasaaskii iskaashiga iyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan sanadkii 2019 xiligaas oo uu ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha debedda ee somaliland, waxaana uu tilmaamay sida uu maanta u midho dhalay xidhiidhkaas labada dal oo ku dhisan kalsooni, is-ixtiraam iyo himilo wadaag.
Sidoo kale waxa uu tilaamay in Iskaashiga Maaliyadeed, ka ganacsi iyo tignoolajiyaduba ay muhiim u tahay koboca dhaqaale ee labada dal ee Somaliland iyo Taiwan.
Sidoo kale Guddoomiyaha Baanka Somaliland iyo weftigii uu hogaaminayey waxay booqdeen xarunta dhexe ee Hay’adda Dhexe Caymiska Dhigaalka ee Taiwan (Central Deposit Insurance Corporation (CDIC), waxaana weftigta Somaliland si diiran u soo dhaweeyey Mr. Tien-Mu Thomas Huang, oo ah Guddoomiyaha hay’ada CDIC, Madaxda fulinta Annie Cheng, iyo Guddoomiye ku-xigeenka fulinta Yvonne Y. Fan, kuwaas oo la wadaagay weftiga Somaliland khibraddooda ku saabsan Nidaamyada Caymiska Kaydka baananka iyo Hay’addaha Maaliyadeed ee kale si loo Maareeyo khataraha ke gedaaman, Labada dhinac waxay isku raaceen in la dardar-geliyo iskaashiga iyada oo loo marayo heshiish is af-garad (MoU) oo dhex mara Baanka Somaliland iyo Hay’ada (CDIC).


Guddoomiyaha Baanku intii uu joogay Taiwan, waxa uu sidoo kale wada hadal la yeeshay
1. Baanka Dhexe ee Taiwan (Central Bank of Taiwan).
2. Hay’ada Korjoogtaynta Hay’addaha Maaliyadeed (Financial Supervisory Commission) (FSC) ee Taiwan,
3. Hay’adda Caymiska Kaydka Dhexe ee Taiwan (CDIC)
Kulamadaas oo dhammaatood guul ku soo dhamaaday waxa laysla iqaatay in ay sameeyaan dhinacyadu iskaashi ku salaysan Khibrad-wadaag, Taageero farsamo , Horumarinta kaabayaasha maaliyadeed oo casri ah, iyo Fududeynta ku biirista Somaliland ee Nidaamyada Lacag-bixinta iyo is dhaafsiga lacagaha Caalamiga ah ee SWIFT.
Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Hay’addaha dhinaca Maaliyada ee Taiwan waxa ay dhawaan kala saxeexan doona Heshiisyo is Af-garad (MoUs), si loo rasmiyeyo oo looga dhabeeyo ballan-qaadyadan iyo is-fahanka dhex maray labada dhinac, Waxaana sida ugu dhakhsaha badan dhawaan la filayaa in Hay’adda Dhexe ee Caymiska Dhigaalka ee Taiwan (CDIC) ay noqoto hay’addii ugu horraysay, taas oo gacan ka geysan doonta aasaasidda Nidaamka Caymiska Dhigaalka Somaliland, hadii Alle idmo.
Gebogabadii, Guddoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland ayaa sheegay in iskaashigan uu yahay mid horseedi doona furfurnaan iyo in la horumariyo bahda Maaliyaddda ee Somaliland, taas oo keeni doonta koboc dhaqaale oo waara.