Qadar oo si cadho leh uga jawaabtay hadalladii Raysalwasaaraha Israa’iil

0
Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qatar ayaa si caro leh uga jawaabtay hadalladii ra’iisul wasaaraha Israa’iil ee ahaa in ay suurtogal tahay in ay qaadaan weerarro kale oo Xamaas ka dhan ah oo dalka ka dhaca ilaa laga eryo.

Hadalkan ayaa yimid hal maalin kaddib markii Israa’iil ay isku dayday in ay disho hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee Xamaas oo ayTalaadadii weerar cirka ah ku qaadday. , Arrintaasi waxa ay sare u qaadday oo xiisadda ka taagan Bariga Dhexe, waxaana soo baxay cambaareynno caalami ah.

War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayay ku cambaaraysay waxa ay ku tilmaantay “hanjabaada cad ee ku wajahan xad-gudubyo ka dhan ah madax-banaanida qaranka”.

“Netanyahu waxa uu si buuxda ula socdaa in martigelinta xafiiska Xamaas ay ku timid hannaankii dhexdhexaadinta Qatar ee ay codsadeen Maraykanka iyo Israa’iil,” ayay wasaaraddu sheegtay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar ayaa sheegay in saraakiisha Xamaas ee duqaynta lala beegsaday ay halkaa u joogeen dadaallo wadaxaajoodyada ku saabsan, codsigaasna uu ka yimid Israa’iil iyo Maraykanka.