Mareykanka oo liis madow gelinaya dalalka sida “caddaalad-darada” ah u xira muwaadiniintooda

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay jimcihii amar madaxweyne kaas oo u ogolaanaya wasaarada arrimaha gudaha in ay liiska madow geliyaan dalalka sida caddaalad-darada ah ku xira muwaadiniinta Mareykanka iyo in ay saaraan ganaax adag.

Dalalka Shiinaha, Iran iyo Afghanistan ayaa ka mid ah dalalka loo arko in liiska lagu daro sida uu sheegay la-taliyaha madaxweynaha.

Amarka madaxweynaha waxa uu Trump ku sheegay in hadda uu Mareykanka liiska madow gelinayo dalalka sida caddaalad-darada u xira oo ay ku jiraan dalalka taageera argagixisada.

“Ujeedka waxa uu yahay in cid kasta oo gorgortan ka dhigata qof Mareykan ah ay eedi doonaan”, ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio.Sebastian Gorka oo ah la-taliyaha madaxweynaha Mareykanka ayaa u sheegay wariyayaasha in amarka uu yahay fariin muujineyay sida ay uga go’an tahay in aan “muwaadiniinta Mareykanka lagu gorgortamikarin”.

Dowladda Mareykanka degdeg uma shaacin doonto magacyada dalalka lagu darayo liiskaas kaddib amarka madaxweynaha balse la-taliyaha Donland Trump waxa uu sheegay in dalalka Shiinaha, Iran iyo Afgahanistan loo arko in lagu daro liiskaas madow maxaa yelay sida uu sheegay waxay “si joogto ah u sameeyaan diblomaasiyad la hayste”.

Sarkaal Mareykan ah oo shuruud ka dhigay in aan magaciisa la sheegin ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters saameynta uu yeelan karo amarkan, “Laga bilaabo maanta waxaa isbeddalay wax kasta oo lagula dhaqmayay dalalka aan daacad aheyn iyo talisyada ku fakaraya in ay ula dhaqmaan muwaadiniinta Mareykanka sida ciyaarta Jeeska”. Sarkaalkaas wuxuu kaloo sheegay, “Marka la fiiriyo dalalka sida Iran iyo Ruushka, waxay ila tahay in isbeddal ay arkayaan”.

Ruushka waxaa la sheegay in ay u xiran yihiin sagaal qof oo Mareykanka halka Iran ay u xiran yihiin ku dhawaad 8 qof. Mareykanka waxay Iran u arkaan dal taageera argagixisada, waxaana saarana cunaqabateyn xoogan. Ruushkana waxaa saaran cunaqabateyn weyn kaddib duullaankii ay ku qaadeen Ukraine.

Mareykanka waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen muwaadiniinta lagu xiray Venezuela.

Ciqaabaha suuragalka ee la saarayo dalalka la geliyo liiska madow

Dalalka ay wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka gelisay liiska Madow waxay wajahayaan cunaqabateyn iyo xayiraad dhinaca wax dhoofinta ah. Sidoo kale madaxda ku lugta leh xariga muwaadiniinta waxaa loo diidayaa in ay Mareykanka soo galaan.

Wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka waxay ka mamnuuceysaa muwaadiniinta dalalka liiska madow ku jiro in ay Mareykanka yimaadaan.

Mareykanka hadda dalka kaliya aysan ogleyn in loo safro waa dalka Kuuriyada Waqooyi. Tallaabadan ayaa la gaaray kadidb markii arday Mareykan ah lagu xiray dalkaas sanadkii 2016-kii.

Ardayga waxaa la soo daayay isagoon miyir daboolan sanad kaddib markii la xiray, wax yar kaddibna wuu geeriyooday.

Liiska cusub ee madow waxaa lagu darayaa kooxaha maamula dhulka aan dal ahaan loo aqoonsaneyn.

Mareykanka waxay sheegeen in ay mudnaanta siinayaan sidii lagu sii deyn lahaa muwaadiniinta Mareykanka ee ku xiran dalal kala duwan ee lagu badasho maxaabiis kale.

Donald Trump waxa uu ku celceliyaa guusha uu ka gaaray in uu soo daayo muwaadiniin badan oo Mareykanka. Saraakiisha Mareykanka waxay sheegaan in la soo daayay 72 maxbuus oo Mareykan ah intii uu joogay xafiiska madaxweyne Trump.

Madaxda Mareykanka waxay sheegeen in amarkan cusub ee madaxweyne uu fududeyn doono in la qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah iyadoo la marin nidaamka culeyska ah ee waqtiga qaadanaya.

Mareykanku waxay sidoo kale sheegeen in liiska laga saarayo hadii loo arko in ay ka gaareen heerka uu Mareykanku ka doonayay.

Mareykanka si joogto ah ayey u caawiyaan muwaadiniintooda lagu xiro dibadda, waxayna dib u eegis ku sameeyaan hadii si caddaalad-daro ah lagu xiray sida in loo adeegsanayo cadaadis siyaasadeed.

Intii uu xafiiska joogay madaxweyne Joe Biden, Shiinaha waxay sii daayeen dhammaan Mareykanka ay Washington u aragtay in si caddaalad-daro ah lagu xiray.

Tani waxay qeyb ka aheyd heshiis Mareykanka uu ku dabcinayay digniinaha safarada loo aado Shiinaha taas oo dhaawacday jawiga ganacsi ee dalkaas.

Urur ka shaqeeya sii deynta Mareykanka sida qaldan lagu xiro iyo kuwa la haysto ayaa amaanay tallaabada madaxweynaha.

“Tallaabadan waa mid xoojineysa dadaalada dowladda Mareykanka ee dadkeeda dib loogu soo celinayo”.