Kaddib markii lagu dhawaaqay in biyo-xireenka weyn ee Itoobiya la furayo bisha Sabtember ee sanadka dambe ayey Masar waxay u sheegtay dhowr dal oo Afrikan ah in aysan aqbaleyn “tallaabo kasta oo hal dhinaca ah ee biyaha Nile taas oo jabineysa qeynuunka caalamiga”.
Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Axmed Cabdil-caadi ayaa hadalkan si gaar gaar ah khadka teleefonka ugu sheegay wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Sudan, Sudanta-koonfureed, Uganda, Kenya, Djibouti iyo Somalia.
Hadalka wasiirka arrimaha dibadd Masar ayaa soo baxay kaddib markii dhawaan ay Itoobiya ku dhawaaqday wajiga shanaad ee biyo-xireenka dhismihiisu uu qaatay 14-ka sano kaas oo ay ku baxday shan bilyan oo doolar, waxaana la dhameyn doono lana furi doono bisha Sabtember ee sanadka dambe.
Masar waxay Itoobiya ugu digeysay in aysan sii wadin in ay biyo-xireenka ka buuxiso biyo, wayna ku celcelisay iyadoo sheegtay in uu jiro sharci saddex geesood ah oo ay wada galeen dalalka uu maro wabiga.
Masar waxay ku celisay mowqifka ay ka taagan tahay biyo-xireenka. Warbaahinta Masar waxay sheegeen in wasiirka uu diiday tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo la xiriirta biyaha wabiga taas oo jabineysa qeynuunka caalamiga.
Wasiirka arrimaha dibadda wuxuu markale sheegay sida madaxda Masar ay ugu celcelinayaan in biyaha ay u yihiin Masar badaado isagoo sii xoojiyay muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo qeynuunada caalamiga ee lagu wadaago kheyraadka biyaha.
Waxaa xusid mudan in madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi uu dhawaan ka digay in dalkiisa uusan marna ogolaaneyn in qeybtooda biyaha wabiga Nile ay wax iska badalaan.
“Waxaan u xaqiijinayaa dadka reer Masar in aan marna ogolaaneyn biyaha ay ku tiirsan yihiin 105-ta milyan ee muwaadiniinta ah iyo 10ka milyan ee shisheeye in la taabto,” ayuu yiri madaxweyne al-Sisi.
Al-Sisi oo si weyn uga horjeeday dhismaha biyo-xireenka weyn ee Itoobiya markii la bilaabayay iyo shanta qeybood ee biyaha laga buuxinayo ayaa sidoo kale dhawaan ku cadeeyay hadal ay si wadajir ah isulo soo saaren madaxweynaha Uganda in dalkiisa uusan ogolaaneyn tallaabo kasta oo hal dhinac ah.
“Cid walba uu u maleysa in Masar ay iska dhagatiri doonto khataraha dibadda uga imaanaya biyaheeda in ay khaldan tahay. Waxaan sii wadeynaa in aan xaalada la socono, waxaan qaadeynaa tallaabo kasta oo lagu ilaalinyo kheyraadka dadkeena ku tiirsan yihiin iyadoo la raacayo qeynuunada caalamiga” ayuu yiri Al-Sisi.