Weerar yahanka kooxda Liverpool Maxamed Saalax ayaa ka falceliyay xushmad uu xiriirka kubadda cagta ee Uefa baraha bulshada ugu muujiyay cayaar-yahanka reer Falastiin Suleiman al-Obeid taasoo xiriirku ku uul-darreystay inuu ka hadlo xaaladihii keenay geeridiisa.
Khamiistii, Ururka Kubadda Cagta Falastiin (PFA) ayaa sheegay in Obeid lagu dilay weerar Israa’iil ay soo qaadday xilli uu gargaar bani’aadannimo ku sugayay koofurta Marinka Qasa maalintii ka horreysay geeridiisa.
Ninkan oo 41 jir ahaa laguna naaneesi jiray “Pele-ga kubadda cagta Falastiin” sida uu sheegay PFA, ayaa intii lagu guda jiray xirfaddiisa dhaliyay in ka badan 100 gool, oo ay ku jiraan labo uu ka dhaliyay 24 kulamo caalami ah.
Qoraal ay soo dhigtay barta X Jimcihii, ayay Uefa ku tiri: “sagootinta Suleiman al-Obeid, ‘Pele-ga Falastiin’.
“Xirfadle hibo lahaa oo rajo siiyay carruur aan tiro lahayn, xitaa intii lagu jiray maalmihii mugdiga.”
Shalay, xiddiggan u dhashay Masar ee Saalax, oo 33 jir ah, ayaa ku jawaabay: “Ma inoo sheegi kartaan sida uu u geeriyooday, halkee, iyo sababta?