Itoobiya oo dalbatay in baaritaan lagu sameeyo xawaalado Soomaali leedahay oo Maraykanka ka hawlgala

0

Bangiga qaranka ee Itoobiya ayaa ku baaqay in afar shirkadood oo fadhigoodu yahay Mareykanka lagu sameeyo baaris. Bangiga ayaa sheegay in shirkadahan maaliyadeed ay isku dayayaan in ay wiiqaan nidaamka maaliyadeed ee Itoobiya.

Qoraal la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu sheegay magacyada afarta shirkadood ee lagu eedeynayo in ay shaki geliyeen aaminaadda nidaamka maaliyadeed ee Itoobiya, kuwaasoo la sheegay inay ka hawlgalaan gobollada Maryland, Virginia iyo Minnesota.

Sida lagu sheegay qoraalka, “shirkadahan lacagaha xawila waxa ay ka uruuriyaan lacag jaaliyadaha Itoobiya ee ku nool Mareykanka, ka dibna waxay u diraan Itoobiya iyo dalal kale”.

Bangiga waxa uu sheegay in “shirkadahan ay xalaaleeyaan lacago sharci darro ah iyo in ay maalgeliyaan howlo aan sharci aheyn”.Doolarka Mareykanka ayaa ah lacagta ugu badan ee la geeyo dalka Itoobiya marka la fiiriyo lacagaha qalaad ee soo gala dalka.

Dowladda waxay isku dayeysay in ay saxdo nidaamka sarrifka suuqa laga soo bilaabo sanadkii hore si loo yareeyo lacagaha qalaad ee suuqa madow.

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay in go’aankan uu kordhinayo keydka sarrifka lacagta Itoobiya, balse qiimaha suuqa madow ayaa sidoo kale kor u qaadi doona nidaamka.Dhinaca kale, bangiga wuxuu dacwadeeyay afar shirkadood uu fadhigoodu yahay Mareykanka kuwaas oo lacagaha xawila. Afarta shirkadood ayaa magacyadooda lagu sheegay.

  • Shgey Money Transfer — Silver Spring, MD, and Falls Church, VA

  • Adulis Money Transfer — Falls Church, VA, and Silver Spring, MD
  • Ramada Pay (Kaah) — Falls Church, VA
  • TAAJ Money Transfer — Minneapolis, MN

Bangiga wuxuu ka digay lacagaha la soo mariyo hay’adahan, waxa uuna sheegay in taasi ay sababi karto tuhun ah in hanti sharcidarro ah la doonayo in lagu xalaaleeyo.

“Waxaa muhiim ah in lacagaha dalalka la isaga diro loo sameeyo qab waafaqsan hanaanka sharciyeed ee maaliyadda, ayadoo la xaqiijinayo qaabka loo kormeerayo si loo yareeyo khatarta ka imaanaysa lacagaha sharci darrada ah iyo maalgelinta argixisada” ayaa lagu yiri qoraalka baanka Itoobiya ee la soo dhigay barta X.

Bangiga wuxuu kaloo sheegay in aysan jirin wax damaanad qaadaya in lacagaha lagu soo diro shirkadahan ay gaareyso dadka loo soo diray.

Bangiga ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay hay’adaha sharciga ah ee uu ugu yeero xawaaladaha.

Ugu dambeyn bangiga wuxuu sheegay in dadka ay isticmaalaan shirkadaha sharciga ah ee lacagaha xawila.

BBC waxay isku dayday inay jawaab ka hesho madaxda shirkadda xawaaladda Taaj oo magacooda lagu sheegay warbixinta, hase yeeshee maas’uuliyiintii aan la xiriirnay waxay ka gaabsadeen inay jawaab ka bixiyaan arrintan. Sidoo kale waxaan noo suurto gelin in aan jawaab ka helno shirkadda Kaah oo ayadana lagu sheegay warbixinta.