Ruushka ayaa Ukraine ku duqeeyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo, waxaana lala beegsaday caasimadda Kiev, halkaas oo ugu yaraan 8 qof ay ku dhinteen in ka badan konton kalena ay ku dhaawacmeen.
Moscow ayaa qaaday weeraradii xalay in kasta oo Donald Trump uu waqti kooban u qabtay madaxweyne Putin si uu uga jawaabayo dalabaadkiisa xabbad-joojinta, iyo cunaqabatayn cusub oo Maraykanku saaray.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in dunidu ay mar kale aragtay jawaabta Ruushka ee rabitaanka nabadda dalkiisa.