Aqoonsiga Canada siinayso falastiin waxaa kahadlay Trump iyo Natanyahu

0

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in taageerada Canada ee “Dowladnimada Falastiin” ay ka “adkeyn” doonto in dalkaas lala galo heshiis ganacsi

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social ku yiri:

“Canada waxay ku dhawaaqday inay taageereyso dowladnimada Falastiin, taasina waxay adkeyneysaa in Canada lala gaaro heshiis ganacsi”.

Hadalka Trump ayaa imanaya ka dib markii raysal wasaaraha Canada, Mark Carney uu ku dhawaaqay in waddankiisu “uu doonayo” inuu u aqoonsado Falastiin dal madax banaan.

Dalalka Ingiriiska iyo Faraansiiska ayaa horey u sheegay inay aqoonsan doonaan dawladnimada Falastiin.

Israa’iil ayaa Canada ku eedaysay in ay abaal marineyso Xamaas kadib markii ay ku dhawaaqday qorshayaal ay ku aqoonsanayso dawladnimada falastiiniyiinta.

Canada waa dalkii saddexaad ee ugu dhaqaalaha wayn oo sidaas ku dhawaaqay maalmo gudahood.

Raysal wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa sheegay inuu u baahan yahay inuu ilaaliyo rajada xal nabadeed oo laba dal ah.

Waxa uu sheegay in tallabadaasi ay dhici doonto bisha Sebtembar ilaa inta maamulka Falastiiniyiinta ay sameynayaan isbedello dimoqraadi ah.

Faransiiska iyo Britain ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inay Falastiin u aqoonsanayaan dal madaxbanaan maalmihii la soo dhaafay — taasoo calaamad u ah isbeddel weyn oo tobanaan sano ah oo siyaasadda arrimaha dibadda ah.

Madaxweyne Trump ayaa ka digay in aqoonsiga Canada ee Falstiin ay “adkeyn” doonto in heshiis ganacsi lala galo Canada.