Cutubka Noida ee Ciidanka Gaarka ah ee Uttar Pradesh ayaa Talaadadii, 22-kii bishaan Luulyo, nin ku xiray magaalada Ghaziabad, isagoo lagu eedeeyay inuu sameystay safaarad been abuur ah.
Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu dadka la xiriiri jiray isagoo isugu sheegaya safiirka dalal lagu magacaabo Westarctica, Saborga, Paulvia, iyo Lodonia.
Sushil Ghule oo ka tirsan ciidamada gacanta ku dhigay ninkaan ayaa yiri: “Wuxuu dadka kula xiriiri jiray isagoo sheeganaya inuu yahay safiirka West Arctica, Saborga, Paulvia, Lodonia iyo ‘waddamo’ kale oo la mid ah. Waxa laga helay agab badan oo laga shakisan yahay. Gawaaridii laga helay waxay wateen taarigo diblomaasiyadeed oo been abuur ah, kuwaas aan wax sharciyad ah ka haysan hay’adaha dowladda”.
Boolisku waxay sheegeen in ninkan oo lagu magacaabo Harshvardhan Jain uu guri kiro ah ka daganaa xaafadda Kavi Nagar ee Ghaziabad, halkaas oo uu si qarsoodi ah uga shaqeynayay safaaraddan been abuurka ah.
Dhawr shaabadood, kaarar been abuur ah iyo sawirro la been abuurtay ayaa la helay.
Sushil Ghule ayaa yiri: “Eedeysanuhu wuxuu deggan yahay KB-45, Kavi Nagar, Ghaziabad”. Harshvardhan ayaa lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah uga shaqeynayay safaarad been abuur ah oo ku taalla guri kiro ah oo ku yaalla Kavi Nagar.
Wuxuu intaa ku daray, “Wuxuu isticmaali jiray sawirro la been abuuray, si uu dadka u marin habaabiyo uguna khiyaaneeyo. Sawirradaas, wuxuuna iskaga dhigi jiray inuu la joogo madax iyo shakhsiyaad caan ah.”
Intii lagu guda jiray baarista, waxaa la ogaaday inuu dadka ku khiyaanayn jiray ballanqaadyo shaqo dibadda ah, iyo sidoo kale inuu hawlgal sharci darro ah ku wadi jiray xawaalado iyo shirkado aan wax shaqo ah qaban.
Booliiska ayaa sheegay in markii la xirayay, ciidamadu ay ka heleen eedeysanaha agab tiro badan oo shaki abuuray iyo waxyaabo aan sax ahayn, oo ay ka mid yihiin:
-
Afar gaari oo wata taariko been ah oo u eg kuwa diblomaasiyiinta.
-
12 baasaboor oo been ah oo kala duwan.
-
Laba kaarka aqoonsi ee PAN oo been ah.
-
Shaabado been ah oo ay leeyihiin 34 dal iyo shirkado kala duwan.
-
Laba kaar saxaafadeed.
-
70 kun oo rupi ah oo lacag caddaan ah.
-
Lacagaha waddamo kala duwan.
-
iyo Dukumiintiyo la xiriira shirkado kale.
Horey ayaa loo xiray
Sida laga soo xigtay diiwaanada booliska, Harsh Vardhan ayaa sidoo kale loo xidhay kiis dhacay sanadkii 2011.
Taliyaha booliska SSP Sushil Ghule ayaa yiri, “Waqtigaas waxaa laga helay taleefan satellite ah, waxaana dacwad lagaga furay saldhigga booliska ee Kavi Nagar”.
Hadda booliska Ghaziabad waxay kiis cusub ka diiwaangeliyeen eedeysanaha. Tallaabo sharci ah ayaa lagaga qaadayaa iyadoo lagu eedeynayo hawlo sharci-darro ah, haynta iyo sameynta dukumiintiyo been abuur ah, iyo khiyaano.
Muxuu yahay dalka Westarctica
Ka dib markii kiiskan uu soo ifbaxay Westarctica ayaa sidoo kale noqotay cinwaanada warbaahinta. Tani waxaa sabab u ah in Harsh Vardhan, eedeysanaha, oo sheegan jiray inuu safiir ka yahay Westarctica.
Marka hore markaad maqasho magaca Westarctica, waxaa laga yaabaa inuu u muuqdo waddan yar ama meel fog ku yaalla, balse xaqiiqda ayaa ah in Westarctica uu yahay waddan mala-awaal ah oo la sameeyay sanadkii 2001, waxaana aasaasay Travis McHenry oo horey uga tirsanaa ciidamada badda ee Mareykanka.
Westarctica waxay leedahay website u gaar ah, calan, astaamo iyo lacag ay isticmaasho. Waxay isku tilmaantaa inay matasho qeybta barafka ah ee Antarctica oo aan waddan kale sheegan.
Sida ku xusan bogga rasmiga ah ee Westarctica, waa urur aan faa’iido doon ahayn (non-profit) oo ujeeddadiisu tahay inuu wacyi gelin ka bixiyo ilaalinta deegaanka iyo isbeddelka cimilada. Waxa kale oo ay bixisaa jagooyin sida “safiir”, “muwaadin” iyo “cinwaanno sharafeed”.
Si kastaba ha ahaatee, waddan ama hay’ad caalami ah sida Qaramada Midoobay weligeed ma aysan aqoonsan West arctica inay tahay waddan dhab ah.
Sida lagu sheegay website-kooda, dowladda Westarctica waxaa hoggaamiya “Grand Duke Travis”, waxaana uu sameystay ra’iisul ra’iisul wasaare iyo “Golaha Boqortooyada” (Royal Council).
Waxaa sidoo kale jirta maxkamad la yiraahdo “Grand Ducal Court” taasoo sharaxda shuruucda ay samaystaan.
Waxaa lagu xusay website-ka in xubnaha bulshada ay yihiin dad ku biiriya aqoontooda, waqtigooda iyo xirfadooda si loo gaaro yoolalka ururka.
Hase yeeshee, dhammaan waxyaabahaan waxay ku eg yihiin dhisme dhijitaal ah iyo calaamado kaliya, mana laha aqoonsi sharci ama diblomaasiyadeed oo dhab ah.
Si kastaba ha ahaatee, wali wax war ah lagama hayo in Westarctica ay xiriir la leedahay eedeysanaha Harsh Vardhan.