Nin katiinad culus xirnaa oo ay dishay mashiinta raajada ee MRI

0

Nin 61 jir ah ayaa dhintay ka dib markii ay qabsatay mishiinta Magnetic Resonance Imaging (MRI) ee xarun caafimaad xilli uu xirnaa silsilad bir ah oo culus. 

Ninkan ayaa soo galay qol ka tirsan Nassau Open MRI oo ku yaalla Westbury, oo ku taal New York ee Long Island, isaga oo aan fasax u haysan, iyadoo mishiinka MRI uu shaqaynayo, sida ay sheegtay Waaxda Bilayska ee Gobolka Nassau.

Xaaskiisa ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegtay in ay ugu yeertay qolka MRI ka dib markii ay iskaankeeda iyo katiinaddiisa silsiladda ah ay sababtay in lagu tuuro dhanka mishiinka markii uu soo galay.

Saraakiishu waxay sheegeen in shilkan “ay ka dhalatay xaalad caafimaad” oo ninkaas markii dambe la sheegay inuu dhintay.Mashiinnada MRI waxay isticmaalaan birlab xooggan si ay u soo saaraan sawirro faahfaahsan.

Bukaannada waxaa sida caadiga ah laga codsadaa inay iska bixiyaan waxyaabaha birta ah oo ay iska beddelaan dharkooda ka hor inta aan la marin baaritaanka MRI ama aysan u dhowaan mashiinka.

“Ninka dhibbanaha ah waxa uu qoorta ku xirnaa silsilad bir ah oo weyn taas oo keentay in mishiinka uu soo qabsado, taas oo dhalisay xaalad caafimaad,” ayay sheegeen Waaxda Bilayska ee Ismaamulka Nassau, oo baareysa dhacdadan.

Inkastoo booliisku aysan magacaabin dhibbanaha, haddana Adrienne Jones-McAllister ayaa u sheegtay telefishinka maxalliga ah ee News 12 Long Island in uu ahaa ninkeeda, Keith, qofka dhintay.

“Wuu ii gacan haadiyey isagoo i macsalaameynaya ka dibna jirkiisa oo dhami wuu gariirayay,” ayay tiri.

Ms Jones-McAllister ayaa sheegtay in raajada jilibka laga qaadayay waxayna ka codsatay ninkeeda inuu u soo galo si uu uga caawiyo inay kacdo ka dib raajada. Waxay sheegtay inuu xirnaa silsilad 20lb (9kg) ah oo quful ku xiran taaso oo uu u isticmaalay tababarka miisaanka.

“Isla markiiba, mishiinku wuu ku soo ag wareegay, wuu soo qabsaday, wuxuuna ku dhacay mashiinta MRI,” ayay tiri.

Ms Jones-McAllister ayaa sheegtay in booqashadii isbitaalka ee 16-kii Luulyo aysan ahayn markii ugu horreysay ee iyada iyo ninkeeda ay ku tagaan xarunta MRI. Sidoo kale ma ahayn markii ugu horeysay ee shaqaalaha ay arkaan miisaanka ninkeeda ee uu u isticmaalo tababarka, ayay tiri.

Waxay sheegtay in qof shaqaale ah iyo ninkeeda “ka wada hadleen arrintan hadda ka hor: ‘Oh taasi waa silsilad weyn'”.

Ms Jones-McAllister ayaa sheegtay in farsamayaqaanku uu isku dayay in uu ninkeeda kasoo saaro mishiinka.

“Waxaan leeyahay, ‘Ma damin kartaa mishiinka?” ayay tiri. “Wac 911. Wax samee, demi waxaan xun!”

BBC waxay la xiriirtay Nassau Open MRI si ay faallo uga bixiso.

Sida laga soo xigtay Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Maraykanka, mishiinnada MRI waxay leeyihiin goobo birlab ah oo soo jiidanaya walxaha birta ah ee cabbir kasta – furayaasha, telefoonnada gacanta iyo xitaa taangiyada ogsajiinta – kuwaas oo “laga yaabo inay waxyeello u geystaan mashiinta ama dhaawac u geystaan bukaanka ama xirfadlayaasha caafimaadka”.

Sannadkii 2001, wiil lix jir ah ayaa u dhintay jab madaxa ka gaaray tan oo ka dhacay xarun caafimaad oo ku taal magaalada New York, isagoo ku guda jira baaritaanka MRI ka dib markii qeybteeda birlabta xoogga badan ay qolka kusoo jiidday taangiga ogsajiinta oo meesha ka dhowaan.