Warrarkii ugu dembeeyey ee dagaalka koonfurta Suuriya oo ay dad nus malyuun ka badan ku dhinteen

0

Isku dhacyada diimeed ayaa ka socda koonfurta Suuriya inkastoo “xabad joojin degdeg ah” uu ku dhawaaqay madaxweynaha dalkaasi.

Toddobaadkii la soo dhaafay, dagaalyahanno ka tirsan beesha laga tirada badan yahay ee Druze ayaa la dagaallamayay maleeshiyaad hubeysan oo ka soo jeeda qoomiyada Bedouin gobolka Suweyda, iyadoo labada dhinacba lagu eedeeyay falal arxan darro ah.

Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya Axmed al-Sharaa ayaa ciidamo geeyay balse ciidamada dowladda ayaa lagu eedeeyay inay ku biireen weerarrada lagu qaaday Druze. In ka badan 900 oo qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay rabshadaha.

Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay taageerayso Druze horraantii toddobaadkan iyadoona faragalisay, ka dib markii ay duqaysay ciidamda dowladda iyo xarunta wasaaradda gaashandhigga ee caasimada Dimishiq.Sharaa, ayaa ku dhawaaqay xabad-joojin sabtdii iyadoo ciidamada ammaanka loo daad-gureeyey gobolka Suweyda si ay u dhammeeyaan isku dhacyada. Heshiiskaas oo ay ku jirtay in la joojiyo duqaynta milatariga Israa’iil, Israa’iil ayaa oggolaatay heshiiskan oo qayb ka ah qorshe uu Mareykanku dhexdhexaadiyay, iyadoo sidoo kale ay ku jirto ilaalinta muwaadiniinta Druze-ka.

Ciidamada dowladda ayaa diyaariyey baro koontarool si ay uga hortagaan in dad dheeraad ah ku biiraan dagaalka. Hase yeeshee, rasaas ayaa laga soo sheegay gudaha magaalada Suweida galinkii dambe ee Sabtidii. 

Wariye ka tirsan wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay in ay arkayeen rag hubeysan oo dhac u geysanaya dukaamada kadibna dab qabadsiinaya.

Sidoo kale sabtidii, wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa shaki galiyay ballan-qaadka uu madaxweynuhu u cusboonaysiiyay ee ahaa in la ilaaliyo dadka laga tirada badan yahay iyo dhammaan dadka Suuriyaanka ah.

Beesha Druze ee Suweyda waxay raacdaa caqiido gaar ah oo qarsoon kana farcantay Islaamka Shiicada, waxayna kalsooni la’aan ku qabaan dowladda haatan ka talisa Dimishiq. Waa dad laga tirada badan yahay gudaha Suuriya, sidoo kale waa laga tirada badan yahay dalalka deriska la ah sida Israa’iil iyo Lubnaan. 

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Gideon Saar ku sheegay in ay “aad khatar u tahay” in laga mid noqdo dadka laga tirada badan yahay ee ku sugan Suuriya, “tanina waxaa la caddeeyey marar badan lixdii bilood ee la soo dhaafay”.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ballan qaaday inuu ka hortagi doono waxyeello loo geysto beesha Druze-ka ee Suuriya, sababo la xiriira xariirka ay la leeyihiin kuwa ku nool Israa’iil.

Xiisada muddada dheer soo jiitamaysay ee u dhaxaysa qabaa’ilka Druze iyo Bedouin ee Suweyda ayaa ka dhalatay isku dhacyo diimeed Axadii ina dhaaftay, ka dib markii ganacsade Druze ah lagu afduubay jidka wayn ee caasimadda Dimishiq.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya oo fadhigeedu yahay UK, – SOHR), tan iyo markiiasi ilaa hadda waxaa la dilay 940 qof.

Xabbad-joojinta u dhexeysa Israa’iil iyo Suuriya oo la shaaciyey Jimcihii ayaa waxaa ku dhawaaqay ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Suuriya, Tom Barrack.

“Waxaan ugu baaqaynaa Druze, Bedouins, iyo Sunniga inay hubka dhigaan oo ay la socdaan beelaha laga tirada badan yahay inay dhistaan aqoonsi cusub oo Suuriyaan ah si ay nabad iyo barwaaqo ula gaaraan deriskooda,” ayuu yidhi.

Wariyeha BBC-da ee Bariga Dhexe, Lina Sinjab oo ka warbixineysa xaaladda Suuriya ayaa sheegtay in rabshadaha ka dhanka ah Druze-ka y ku fidayaan guud ahaan dalka.

Horaantii todobaadkan, madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Türk ayaa sheegay in xafiiskiisu uu helay warbixino lagu kalsoonaan karo oo muujinaya xadgudubyo baahsan iyo tacadiyo la sameeyey inta lagu guda jiray isku dhacyada, oo ay ku jiraan toogasho iyo dilal aan loo meel dayin oo ka dhacay Suweyda.

Dadka lagu eedeeyay falkan waxaa ka mid ah xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqsiyaad xiriir la leh dowladda ku meel gaarka ah, iyo sidoo kale xubno maxalli ah oo Druze iyo Bedouin ah oo hubaysan, sida bayaan ku sheegay Türk.

“Dhiigga iyo rabshadaha waa in la joojiyo,” ayuu ka digay, isagoo intaas ku daray “waa in lala xisaabtamo kuwa mas’uulka ka ah.”

Hadal uu jeediyay subaxnimadii sabtida ayuu hogaamiyaha Suuriya ku sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay in ay difaacdo dhamaan dadka laga tirada badan yahay ee dalka, ayna sii wadayaan la xisaabtanka dhammaan kuwa ku xad-gudba dhinac kasta, qofna kama baxsan doono la xisaabtanka.