Raila Odinga oo ka horyimid amar uu dhawaan bixiyay madaxweyne Ruto

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa si adag u cambaareeyay amar uu dhawaan Madaxweyne William Ruto siiyey ciidamada booliiska oo ahaa in ay si toos ah u toogtaan dadka marka dibadbaxyadu dhacayaan rabshadaha gaysta gaarahaanna kuwa hantida dadka iyo dowladda waxyeellada u gaysta.

Bayaan uu soo saaray, Raila manata ayuu ku sheegay in amar kasta oo ciidanka booliiska lagu farayo in ay toogtaan, dhaawacaan, cabsi geliyaan ama handadaan muwaadiniinta uu yahay mid khaldan.

Raila oo saami ku leh dowladda ballaaran ee uu hogaamiyo Ruto, ayaa taa beddelkeeda ugu baaqay in la ixtiraamo sharciga iyo in aan la adeegsan xadgudub awooddeysan.

“Dibadbax kasta ama xaalad kasta oo u baahan in la sugo amniga, amar kasta oo oggolaanaya in shacabka la toogto, la dhaawaco, ama la cabsi geliyo waa mid qaldan,” ayuu yiri Raila.Dalkaan, waa in mar walba aan doorannaa sharciga iyo habraaca saxda ah, kana hortagnaa rabitaanka lagu siinayo booliiska awood ay dad rayid ah ku toogtaan, xitaa marka ay muwaadiniintu u muuqdaan kuwo jebiyay sharciga,” ayuu raaciyay.

 

Arbacadii, aynu ka soo gudubnay, Madaxweyne Ruto ayaa si cad u amray booliiska in ay isticmaali karaan xoog, islamarkaana ay lugaha ka toogan karaan dadka ka qayb qaadanaya dibadbaxyada rabshadaha wata.

Ruto oo u muuqday mid caro ka muuqato ayaa si kulul u weeraray shaqsiyaad aan magacooda la sheegin oo uu ku eedeeyay in ay maalgelinayaan qalalaasaha iyo mudaharaadyada ka socda dalka, isaga oo sheegay in dowladdu aysan aqbali doonin wax kasta oo lagu carqaladeynayo xasilloonida dalka.

“Waan aamusnaa, waana dulqaadanayay dadka raba in ay xukunka beddelaan iyaga oo adeegsanaya siyaabo aan dastuur ahayn,” ayuu yiri Ruto.

Si kastaba ha ahaatee, Raila ayaa si cad uga hor yimid mowqifka Ruto, isaga oo ugu baaqay dowladda in ay diiradda saarto sidii loo qaban lahaa dadka ku lugta leh rabshadaha si sharciga loo mariyo.

Raila ayaa sheegay in tallaabadaasi ay ilaalin doonto karaamada iyo xuquuqda aadanaha ee dadka la tuhunsan yahay, isla markaana ay u keeni doonto daahfurnaan iyo kalsooni dadweynaha tallaabooyinka dowladeed.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in cid kasta oo ka qaybqaadanaysa dhac iyo dab qabadsiin goobaha ganacsiga ama xarumaha dolwdda xilliyada mudaaharaadyada dawladda lagaga soo horjeedo in “lugaha laga toogto”.

“Wuxuu intaa raaciyay, isbitaal geeya kadibna maxkamad ha la geeyo”

Weerarada lagu qaado saldhigyada booliiska ama saraakiisha ayuu sheegay Mr Ruto in loo qaadan doono “ku dhawaaqid dagaal” oo ka dhan ah Kenya.

Hadalkiisa ayaa daba socday ka dib markii magaalada caasimadda ah ee Nairobi ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda, kuwaasi oo isku bedelay rabshado.

Guddiga xuquuqul insaanka ayaa sheegay in 31 qof ay ku dhinteen in ka badan boqolna ay ku dhaawacmeen iska horimaadyadii ugu dambeyay.

Dhallinyarada Kenyanka ah ayaa si isdaba joog ah isugu soo baxayay waddooyinka bilihii la soo dhaafay, iyaga oo ka careysan musuqmaasuqa, dhaqaale xumada iyo eedeymaha arxan darada ah ee booliska.

Hadalkaan ka soo yeeray madaxweyne Ruto waxaa sidoo kale aad uga horyimid siyaasiinta dowladdiisa mucaaradka ah ku ah iyo qaar ka mid a a dadweynaha kenyaanka oo u arkay in xaaladda uu uga sii dari karo.