Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa uu dhamaystiray dhamaan dhismaha shaqada biyo-xireenka weyn ee Itoobiya (GERD) kaasi oo si rasmi ah loo furi doono Siteembarta soo socota.
Abiy ayaa sidoo kale ku martiqaaday labadaba Masar iyo Suudaan inay ka soo qayb galaan munaasabada furitaanka ee biyo-xireenka, taasi oo uu ku qeexay “calaamad wanaagsan iyo faa’iido wadaag ah, oo aysan ahayn il khatar iyo colaad.”
Si kastaba ha ahaatee, qaar ayaan aaminsanayn biyo-xireenka, habka Itoobiya ee dhismaheeda, qaabka uu ugu teedsan yahay dalalka, iyo qaabka ay dalalkaasi kula gaari karto isfaham ayaa lagu sifayn karaa qaabab wanaagsan, sida laga soo xigtay falcelino rasmi ah oo ay sameeyeen dhinacyada Masar iyo Suudaan.
Xaalka ayaa ilaa iyo hadda gaaray in Wasiirka Waraabka Masar Hani Sweilem uu ku qeexay ku dhawaaqitaanka dhamystirka iyo howlgalinta biyo-xireenka Siteembar ay tahay talaabo “sharci darro ah”.
Maxaa dhacay?
Itoobiya ayaa bilowday dib u habaynta biyo-xireenka weyn 2011. Wadahadalada ay kala yeelatay Masar ee habka loo dhisayo iyo sida uu u shaqeynayo iyada oo uusan waxyeelanayn danaha dalalka uu marayo ayaa dhalisay saxiixa heshiiska mabaadi’da ee 2015. Si kastaba ha ahaatee, wadahadaladan, oo ay la socdaan dadaalada dhexdhexaadinta caalamiga ah, ayaa dhamaan guul daraystay in lagu gaaro heshiis u adeega danaha dhamaan dalalkaasi.
Abiy Axmed, oo ka hadlayay kulan baarlamanka oo uu ka qayb galo saddexdii biloodba mar si dib loogu eego habka shaqada ee dowladiisa iyo ka jawaabida su’aalaha xildhibaanada ee arrimo kala duwan ayuu ka sheegay Masar aysan ku lumin doonin biyo-xireenka hal litir oo wadaagga biyaha ay heli jirtay ah.
Waxa kaloo uu ku soo celiyay in dalkiisu uu diyaar u yahay ka qaybgalka wadahadal ay la yeeshaan Suudaan iyo Masar wakhti kasta si loo gaaro “danaha dhamaan qaybaha iyo horumarka wadaaga ah”.
Waxa uu tilmaamay in “Itoobiya ay ka go’an tahay xaqiijinta kor u kaceeda oo uusan wax u dhimin walaalaheeda Masar iyo Suudaan. Waxaan aaminsanahay horumar wadaag ah, tamar wadaag ah iyo biyo la wadaago”.
In kasta oo uu sheegay Masar wadaageeda biyaha Nile in uusan ka nusqaamin “hal litar,” tirooyinkii u dambeeyay waxa ay muujinayaan dhinaca kale.