Ruushka oo noqday dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada xukuumadda Taliban

0

Ruushka ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada xukuumadda Taliban ee ka jirta dalka Afgaanistaan, taas oo ka dhalissay in xubanaha mucaaradka ka caroodaan.

Go’aankan ayaa taariikh weyn u ah Taliban kadib markii Rushku ku dhawaad afar sanok ahor ay gudaha u galeen magaalada Kabul oo ay la wareegeen talada dalkaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda Amir Khan Muttaqi ayaa sheegay in uu rajaynayo in ay tusaale u noqoto wadamada kale, kuwaas oo ka warwareegaya in ay aqoonsadaan maamul fulinaya nooc ka mid ah shareecada islaamka oo ay weheliso xayiraad adag oo lagu hayo haweenka iyo gabdhaha.

Kuwo kale ayaa ku gacan sayray tillaabada, iyada oo siyaasiyad hore ee reer Afgaanistaan ah Fowsiya Koofi ay tiri “tallaabo kasta oo waddan kasta uu ku caadeysto xiriirka Taliban ma keenayso nabad, waxay sharciyayn doontaa isla xisaabtan la’aanta”.Koofi oo hadalkeeda sii wadata ayaa ka digay “tallaabooyinkan oo kale ma ah kuwa halis gelinaya kaliya dadka Afgaanistaan oo keliya, balse waxay halis gelinayaan ammaanka caalamka”.