Wiil Soomaali ah oo loo heystay inuu geystay dil gilgilay Britain oo loo masaafuriyay Soomaaliya

0

Hanad Xasan oo toorreey ku dilay wiil la oran jiray Kiyan Prince, waqooyi-galbeed UK ayaa loo masaafuriyay Soomaaliya sida uu qoray wargeyska The Irish Sun. 

Hanad waxa uu Kiyan Prince ku dilay bannaanka iskuulkii ay dhiganayeen iyadoo lagu xukumay ugu yaraan 13 sano markaa kadibna la eegayo hab-dhaqankiisa xabsiga.

Maganglayo la siiyay sanadkii 2001-dii ayuu dalka ku joogay Hanad oo ka soo jeeda Soomaaliya. Balse shan sano kaddib waxa uu dilay Kiyan oo ka mid ahaa ciyaartoyda da’yada yar ee naadiga QPR. Ciyaartoyga oo xiligaas jiray 15 sano ayaa isku dayay in uu kala dhexgalo dagaal socday.

Hanad waxa uu jiray 17 sano, waxaa uuna Kiyan wadnaha ka geliyay tooreey bishii May sanadkii 2006-dii. Dilka oo ka dhacay xaafada Edgware oo ku taal Waqooyi Gableed London waxa uu noqday mid si weyn u gilgilay Britan.

Intii uu xabsiga ku jirey ma jirto ayay yidhahdeen wax iska bedelay dhaqankiisii ,Masuuliyiinta Xabsiga aya sheegay in uu wali isdifaac ku jiro,

Arinkan ayana sababay in aan lagu siidayn bulshada lkn loo mustaafuriyo asalkiisii halka uu kasoo jeeday taas oo ay codsadeen qoyskiisii madama xabsigiisii dhamaday