Axaddii, madaxweynaha Mareykanka ayaa bartiisa baraha bulshada kusoo qoray in “siyaasad ahaan aysan sax ahayn in la adeegsado erayga, ‘Isbeddel Hoggaan,’ balse haddii Hoggaanka haatan ee Iiraan uusan awoodin inuu mar kale Iiraan ka dhigo mid weyn, ay lagama maarmaan noqoneyso in isbeddel hoggaan uu dhaco.
Sida uu tilmaamayo tifaftiraheenna Waqooyiga Ameerika, tan waxay noqoneysaa mid ka duwan waxa ay xubnaha maamulkiisa ka tirsan sheegeen.
Shalay, Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa sheegay in “howgalka uusan ahayn kuna saabsaneyn beddelidda hoggaanka”, iyadoo madaxweyne ku xigeenka JD Vance uu isaguna sheegay in Mareykanku “uusan dooneyn inuu gaaro isbeddel hoggaan”.