Iran ayaa maanta lagu garaacay mowjado cusub oo duqaymo ah oo ay Israa’iil ku hayso. Waa kuwan waxa aan ognahay:
Goobta Nukliyeerka ah ee lagu garaacay: Israa’iil ayaa sheegtay in ay duqaymo ka geysatay Fordo – xarunta nukliyeerka ee dhulka hoostiisa ah ee muhiimka u ah hamiga nukliyeerka ee Iran, kaas oo Maraykanku uu sheegay in uu sidoo kale bartilmaansaday sabtidii. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay goobta u weerareen “si ay u horjoogsadaan waddooyinka soo gala”.
Xabsiga Evin: Magaalada caasimadda ah ee Tehran, qayb ka mid ah xabsiga caanka ah ee Evin ayaa waxaa waxyeelp gaaray sida uu sheegay garsoorka. Wasiirka difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa sheegay in xabsiga ay ku jiraan “cadowga” taliska Iran.
Duqeymo meelo kale ka dhacay: Katz ayaa sheegay in Israa’iil ay sidoo kale bartilmaameedsatay xarunta dhexe ee Basij – oo ah maleeshiyo ay dawladda Iran inta badan u adeegsato in ay ku caburiso mudaaharaadyada – iyo sidoo kale saacad ku taal Tehran oo lagu qiyaaso taariikhda la saadaaliyay ee Israa’iil ay burburinayso. Dad ku sugan Tehran ayaa BBC-da u sheegay in korontadu ay go’day.
Gudaha Israa’iil: Iran ayaa sidoo kale duqeymo kale oo xagga cirka ah ku qaaday Israa’iil. Ma jiro wax khasaare ah oo ay soo sheegeen maamulka Israa’iil balse ilaa 8,000 oo qof ayaa koronto la’aan ku ah koonfurta, sida ay sheegtay Israa’iil.