Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa si kulul u dhaleeceeyay dowladda Itoobiya khudbad uu ka jeediyay sanadguuradii 34-aad ee ka soo wareegtay xornimada Eritrea.
“Dagaalka ay quwadaha shisheeye ee taageerayaashooda u adeegsanayaan oo ay ku qaadeen shacabka Itoobiya shantii sano ee la soo dhaafay waxay muujineysaa sida ay quus uga taagan yihiin,” ayuu madaxweyne Isaias ku sheegay khudbad uu ka jeediyay garoon ay dadku buux dhaafiyeen iyadoo khudbadaasina oo laga sii daayay warbaahinta qaranka ee dalkaas.
Waxaa xusid mudan in ciidamada Eritrea ay ku lug lahaayeen dagaalkii uu dhiigga badani ku daatay ee Tigray-ga, madaxweynuhuna ma uusan xusin magacyada “ciidamada shisheeye” ee uu qudbadiisa ku sheegay.