Dhulka loogu talo galay in laga yagleelo Macjar laga dhoofiyo Xoolaha Nool e maanta ay xayirtay Maxkamada Gobolka Saxil,
Sida Lawada Ogyahay ganacsade Maxamed Jamac Rooble Ina Jaamac Birqaab Mudo ayay wada shaqaynayeen ganacsadaha carbeed ee Abu Yasir
Xasuusin
,Macjarka Deero oo mudo u xanibnaa muran dhaqaale iyo maamul oo dhexyaalay Mustafe Indho Dero iyo Abu yaasir aya maxkamada gobolka Hargeysa xalisay waxaana mudo loo ogolaaday in uu macjarka ku shaqeeyo ganacsade Abu yaasir
,Xiligaa laga bilaabo waxaa jaanta isla helay Ganacsadaha Maxamed Jaamac Rooble iyo Abu yasir, Macjarkii Deero ,na waxaa mamulay Ina Jamaac Birqaab oo Bilooyin ka rarayay Xoolaha,
Hadaba Abu yasir ooo ah Nin Yemeni haysta dhalashada Sucuudiga oo ganacsatad somaliland ee xoolaha dhoofisa u taqaan madaxa Mu,aamarada dhoofka xoolaha soomalida waliba aaan jeclayna suuqa xorta ah ee dhoofka xoolaha ayaa damaciciisii uu jecla ee ahaa in dhoofka xoolaha kaligii loogu xidho kooto wuxuu cagaha la galay dhiiqadii xasan sheekh madaxwaynaha maamulka xamar waxaanu warqad kooto ah kasoo qaatay maamulka Muqdisho halkas ayayna sartu ka qudhintay oo somalilan,na ka mamnuucday dalka waxana lagala noqday liisankii dhoofka Xoolaha,wana la mustafuriyay,
xaqiiqdiina jaaniskan ayay ka faa,idaysteen maamulka macjarka Deero , Xukuumada cusubina waxay xayiradi ka qaaday macjarkii loo xayiray Abu yasir dartii,
aan usoo noqdo halkaan ku soconay ee macjarka cusub e u samaysanayo Gancsade Maxamded Jaamac Rooble Dabcan hadii runta loo dhaadhaco Abu yasir waa nin Yamani ah hadii u macjar uu leeyahay doonayana dawlada dhexe xilii Muuse Biixi oo uu siwayn ugu xidhnaa ayuu waydiisan lahaa dhul uu macjar ka sameyto sidii Aljaabiri lkn waxaa ilo xog,ogala oo aanu la xidhiidhnay warbaahinta usheegen in mulkiyada macjrka cusub uu ku qoran yahay ganacsade maxamed jaamac Rooble,
Â