Ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo sheegay in guudahaan Qasa ay la wareegi doonaan

0

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo sheegay in guudahaan Qasa ay la wareegi doonaan

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa muuqaal cusub oo uu soo dhigay bartiisa Telegram ku sheegay in Israa’iil ay la wareegi doonto guud ahaan Qasa, isla markaana ay ka hortagayso Xamaas inay bililiqeysato gargaarka la geynayo dhulkaas.

Hadalkaan ayaa yimid kadib markii dawladda Israa’iil ay sheegtay inay u oggolaan doonto “cuntada aasaasiga ah” in la geeyo Qasa ka dib go’doomin 11 toddobaad ah.