Donald Thrump ma booqan doono israaiil, Dowladdan Israa’iil ma aha xulafadeenna’ Warbxin lagu qoray New York Times

0

Guudmar: ‘Dowladdan Israa’iil ma aha xulafadeenna’ Warbxin lagu qoray New York Times

Waxaan ku bilaabaynaa dulmarkeenna wargeyska New York Times ee Maraykanka, iyo maqaal cinwaankiisu yahay “Dowladdan Israa’iil ma aha xulafadeenna”, oo uu qoray Thomas Friedman.

Qoraagu wuxuu hadalkiisa ku bilaabayaa isagoo ka hadlayo booqashada uu Madaxweyne Donald Trump ee Maraykanka ku tegi doono Bariga Dhexe toddobaadka soo socda, taas oo uu ku mari doono dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qadar, isaga oo aan booqanayn Israa’iil.

Tan ayuu u adeegsanayaa inuu kaga faalloodo xidhiidhka u dhexeeya Maraykanka iyo xukuumadda ra’iisul wasaaraha Israa’iil ee Benjamin Netanyahu, taas oo uu u arko in hadda kadib xulufo la’ahayn Washington, sida uu qabo.