Dowladda Maraykanka ayaa si kulul uga hadashay aragtida dowladda Soomaaliya ee ku aaddan go’aanka Golaha Wadatagashiga Qaran ee Soomaaliya, waxuuna Maraykanku ka digayaa qaadashada tallabooyin siyaasadeed iyo wax ka beddelka nidaamka dowliga ah, iyadoo si buuxda taabbogal u ahayn siyaasad midaysan oo loo dhan yahay.

“Dhammaan dhinacyada saamileydu waa in ay cod ku leeyihiin go’aamada la xiriira isbeddellada nidaamka federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya. Go’aamo aan la helin taageero loo dhan yahay waxay noqonayaan kuwo aan sharciyad buuxda lahayn, waxayna carqaladeyn karaan dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amni ee degdegga ah.” Waa qoraal kooban oo kasoo baxay waaxda Mareykanka ee arrimaha Bariga Afrika kaasoo lagu daabacay barta X, waxaana looga soo dul jawaabay faafinta rasmiga ahayd ee kasoo baxday Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya oo shir ku lahaa magaalada Muqdisho.