Maxay tahay sababta uu Trump u joojinayo weerarka Xuutiyiinta?

0

Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu joojin doono weerarrada Xuutiyiinta Yemen, sababtoo ah kooxda ayaa “is dhiibtay”, sida Cummaan ay xaqiijisay “xabad joojin” ay la gaareen kooxda ay Iiraan taageerto si ay u joojiyaan bartilmaameedsiga maraakiibta ee Badda Cas.

“[Xuutiyiintu] kaliya ma doonayaan inay dagaallamaan, waana ku sharfi doonnaa taas, waananu joojinaynaa qaraxyada, wayna is dhiibeen,” ayuu yiri, isagoo ka garab hadlaya Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney oo ku sugan Aqalka Cad.

Wax yar ka dib wasiirka arrimaha dibadda Cumaan waxa uu shaaciyay in heshiiska uu la macno yahay in labada dhinacba aanay bartilmaameedsan doonin kan kale, “in la hubiyo xorriyadda socdaalka iyo habsami u socodka maraakiibta ganacsi ee caalamiga ah”.

Mareykanka ayaa bishii March kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta, waxaana ciidamada Mareykanka ay sheegeen in tan iyo xilligaas ay duqeeyeen 1,000 bartilmaameed oo ku yaalla Yemen.

Isaga oo ka hadlayay Xafiiska Oval, Trump waxa uu sheegay in Xuutiyiintu “aysan mar dambe qarxin doonin maraakiibta”.

“Xuutiyiintu waxay ku dhawaaqeen inaysan ahayn, ama waxay noo sheegeen ugu yaraan, inaysan doonayn inay dagaal dambe sameeyaan…laakiin, waxaa ka sii muhiimsan, waanu qaadan doonnaa ballanqaadkooda.

“Waxay sheegeen in aysan mar dambe qarxin doonin maraakiibta, taas ayaana ahayd ujeeddada aan u samaynaynay…marka warkaas waa uun war aan ogaannay.”

Wasiirka arrimaha dibadda Cumaan, Badar al-Busaydi ayaa sheegay in dalkiisu uu dhexdhexaadiyay dadaallo lagu doonayo in xiisadda la dejiyo.

“Mustaqbalka, labada dhinac midkoodna ma beegsan doono kan kale, oo ay ku jiraan maraakiibta Mareykanka, ee ku sugan Badda Cas iyo Marinka Bab al-Mandab, hubinta xorriyadda socodka iyo habsami u socodka maraakiibta ganacsi ee caalamiga ah” ayuu yiri.

Xuutiyiintu waxay bilaabeen inay weeraraan maraakiibta mara Badda Cas iyagoo u hiillinaya Falastiiniyiinta ku sugan Qasa, kuwaas oo ay duqaymo ku hayeen millatariga Israa’iil tan iyo markii kooxda hubaysan ee Falastiiniyiinta ee Xamaas ay weerareen gudaha Israa’iil bishii Oktoobar 2023.

Waxa ay weerar tobnaan gantaal ah iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ku qaadeen maraakiib ganacsi, iyagoo laba markab la degay, mid saddexaadna way qabsadeen, afar ka mid ah shaqaalihii markabkana way dileen. Weerarradu waxay ku qasbeen xitaa shirkadaha waaweyn ee maraakiibta inay joojiyaan isticmaalka Badda Cas – oo ay maraan ku dhawaad ​​15% ganacsiga badaha caalamiga ah – oo ay maraan waddo aad uga dheer koonfurta Afrika.

Ciidamada Badda ee uu hoggaamiyo Mareykanka ayaa fashiliyay weerarro badan oo Xuutiyiinta ay ku qaadeen maraakiibta, waxaana madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden uu bilaabay duqeymaha cirka ee Mareykanka ka dhanka ah Xuutiyiinta, kuwaasoo sii xoogeystay xilligii Trump.

Bishii la soo dhaafay, Xuutiyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 68 muhaajiriin Afrikaan ah lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay xarun dadka lagu hayo oo ku taal waqooyi-galbeed ee Yemen.

Xuutiyiinta ayaa sii wada in ay gantaallada ku ridaan Israa’iil, iyadoo hal gantaal uu ku dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion oo u dhow Tel Aviv maalintii Axadda.

Talaadadii Israa’iil waxay kaga jawaabtay weerar ballaaran oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Yemen ee caasimadda Sanca, kaas oo “gabi ahaanba burburay” sida uu sheegay sarkaal ka tirsan garoonka oo ay soo xigatay AFP.

Duqeymaha kale ee Israa’iil ayaa ku dhacay xarumaha korontada iyo warshadda sibirka ama shamiintada. Isniintii Israa’iil waxay duqeysay dhismayaal dekedda Xudeydah iyo warshad kale oo sibirka oo ku taal magaalada.