Guddiga Baaritaanada ee Ruushka ee ah kan ugu wayn ee dalka ayaa xaqiijiyay dhimashada Janaraal Yaroslav Moskalik kaas oo lagu dilay qarax lagula eegtay gudaa caasimadda Ruushka ee Moscow.
Ninkaan ayaa ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Ruushka waxaana uu madax ku xigeen ka ahaa waaxda howlgallada culculus ee Ruushka.
Guddiga Baaritaanada Ruushka oo ka hadlay shirqoolka ayaa sheegay in ninkaan lala eegtay qarax la soo abaabulay.
Afhayeenka guddiga oo lagu magacaabo Svetlana Petrenko ayaa yiri: ” Gaari nuuciisu yahay Volkswagen Golf ayaa qarxay kadib markii walxaha qarxa oo laga soo buuxiyay maadooyin caawiya qaraxa ay halmar hawada galeen“.
Janaraalkaan ayaa ku dhintay qaraxa sida la xaqiijiyay.
Qaraxa ayaa ka dhacay aagga bari ee magaalada Moscow, sida ay sheegtay wakaaladda TASS oo soo xiganeysa saraakiil Ruushka ah.
Ninkaan ayaa ahaa nin mararka qaar ku matalay Ruushka wadahadlo ka dhacay Paris 2015 kii, kuwaas oo ku saabsanaa Ukraine.
Ma ahan markii ugu horeysay oo saraakiil ka tirsan militariga Ruushka la weeraro tan iyo markii uu dagaalka bilowday balse dilalka qorsheysan ee ka dhaca Moscow ayaa ah kuwo naadir ah.
Bishii Febraayo ee sanadkan, Armen Sargsyan, oo ahaa hoggaamiyihii koox dabley ah oo taageersan Ruushka oo ku sugnaa bariga Ukraine, ayaa ku dhintay isbitaal ka dib markii uu qarax ka dhacay hoolka laga soo galo dhismo la deggan yahay oo ku yaal waqooyi-galbeed ee Moscow.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.
Bishii Disembar ee sannadkii hore, adeegga amniga ee SBU ee Ukraine ayaa qirtay inuu ka dambeeyay dilka jeneraal sare kaa oo ka dhcay meel ka baxsan xaafad ku taal caasimadda.
Lt Gen Igor Kirillov, oo ahaa madaxa ciidamada difaaca nukleerka iyo kiimikooyinka, ayaa la dilay kadib markii qalab lagu qariyay mooto lagu qarxiyay.