Waa kuma hogaamiyaha mucaaradka Turkiga ee xarigiisu uu dalka gilgilay

0

Waa hogaamiye sare oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee CHP iyo duqa magaalada Istanbul. 54-jirkan ayaa muddo dheer loo arkayay inuu yahay ninka ugu daran ee uu loolanka adag kula jiro madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Waxa uu ka yaabsaday Erdogan iyo Xisbigiisa Cadaaladda iyo Horumarka (AK) ee talada haya, markii uu gacanta ku dhigay Istanbul doorashadii dawladaha hoose ee sannadkii hore, isaga oo ku guuleystay doorashada laba jeer oo isku xigta taas oo u sahashay inuu maamulo magaalada ugu weyn Turkiga.

Dad badan oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Turkiga ayaa arrintan ku tilmaamay “Guuldaradii ugu xumayd abid ee Erdogan”.

Xariga Imamoglu oo yimid iyadoo maalmo yar ka harsan yihiin doorashada horudhaca ah ee xisbiga CHP oo la filayay in isaga loogu doorto musharaxa madaxweyne ee 2028, ayaa shaki galiyay musharaxnimadiisa.

Imamoglu ayaa si rasmi ah loo xiray waxaana lagu soo oogay dacwad musuqmaasuq afar maalmood kadib markii la xiray. Waxay kicisay mudaaharaadkii ugu weynaa ee dalka ka dhaca muddo sannado ah , ciidamada ammaankuna waxay kaga jawaabeen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta cinjirka ah.

Waxa uu sheegay in eedeymaha loo soo jeediyay ay yihiin kuwo siyaasadeysan, waxaana uu dhaleeceeyay xariggiisa oo uu ku tilmaamay “mid mad-madaw gelinaya dimuqraadiyadeena”.

Imamoglu waxa uu sannadkii 1970-kii ku dhashay magaalada Akcaabat, oo ah magaalo xeebeed ku taalla gobolka Trabzon oo ku yaalla xeebta badda madow ee Turkiga, Imamoglu waxa uu u guuray Istanbul isaga oo dhallinyaro ah, waxa uu bartay ganacsiga, ka dibna waxa uu u shaqo tegay dhanka dhismaha.

In kasta oo qoyskiisa ay ka soo jeedaan midigta-dhexe, asal muxaafid ah, Imamoglu waxa uu sheegay in uu “qabtay qiyamka dimoqraadiyadda bulshada muddadii uu jaamacadda ku jiray”.

Waxay Erdogan isaga mid yihiin xamaasada kubbadda cagta oo Imamoglu wuxuu sidoo kale ahaa ciyaaryahan hiwaayad u leh kubadda cagta xilligii dhallinyarnimadiisii, waxaana uu caan ku yahay taageerada uu u hayo naadigiisa maxalliga ah, Trabzonspor.

Ka dib xirfadiisa ganacsi, isagoo 43 jir ah wuxuu u wareegay siyaasadda, waxaana loo doortay duqa degmada Beylikduzu ee Istanbul ee xisbiga CHP.

Laakin wali wax badan lagama aqoon ilaa uu ku dagaalamay oo uu ku guulaystay doorashadii duqa magaalada Istanbul 2019, taas oo naxdin weyn ku noqotay Erdogan iyo xisbigiisa AK.

Imamoglu waxa uu la kulmay caqabado degdeg ah oo ku saabsan guushiisa – maamulka doorashada ayaa baabi’iyay codbixintii oo ku qasbay in uu xilka ka dego ka dib markii AK uu ku eedeeyay qaladaad dhanka doorashada ah. Waxaan la dalbaday inuu dib u tartamo.

Kadib markii lagu dhawaaqay in mar kale la tartamayo, Imamoglu ayaa dadwayne aad u tiro badan oo taageerayaashiisa ah kula hadlay isu soo bax, isagoo jaakadkiisii iyo qoor xirkiisiiba siibay, wuxuuna ku booriyay inay xooga saaraan sidii ay mar kale u guulaysan lahaayeen.

“Wax walba way hagaagi doonaan,” ayuu yiri, hadalkaas oo noqday hal-ku-dheggiisa ol’olaha, tan iyo wakhtigaasna u ahayd hal-ku-dheggiisa.

Imamoglu, “wax walbaa si fiican ayay u dhaceen” – wuxuu helay 54% codadka taasoo dhabarjab kale oo weyn ku noqotay madaxweynaha.

Hadda waxa uu xisbiga AK ku garaacay laba jeer, magaaladaas oo ay 25 sano ka talinayeen xisbiga talada haya iyo kuwii ka horreeyay ee Islaamiyiinta ah.

Istanbul waa meeshii uu ku koray Erdogan, isaga oo iibin jiray cuntooyinka fudud ee rootiga sisinta ka sameysan ka hor inta uusan siyaasadda gelin sannadihii 1970-meeyadii. Waa halka uu ka gaaray darajooyinkii uu ku soo noqday duqa magaalada, raysal wasaare iyo ugu dambayntii madaxweyne.

Istanbul waxay hoy u tahay shan meelood meel dadka Turkiga ku nool oo ku dhow 85 milyan waxayna mas’uul ka tahay qayb weyn oo ka mid ah dhaqaalaheeda, oo ay ku jiraan ganacsiga, dalxiiska iyo maaliyadda.

Erdogan ayaa mar saddexaad ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee 2023, iyadoo dastuurka uu dhigayo inuusan maamuli karin wixii ka dambeeya 2028.

Balse dadka dhaliila ayaa sheegaya in laga yaabo inuu bedelo dastuurka si uu mar kale u raadiyo xilli doorasho kale. Codbixinta soo socota ayaa loo qorsheeyay 2028, laakiin waxay u badan tahay inay dhacdo goor hore.

Intii uu ku guda jiray ololihiisa siyaasadeed, Imamoglu waxaa lagu ammaanaa qaab dabacsan oo kaftan ah oo uu u wajahay siyaasadda, taas oo ka duwan tii ay ku loolamayeen qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Turkiga.

Xaaskiisa Dilek Imamoglu ayaa sidoo kale noqotay qof caan ah oo si firfircoon uga dhexmuuqata baraha bulshada, ka qayb qaadashada hawlaha samafalka ee dadka naafada ah iyo muuqaallada ninkeeda intii uu ololaha ku jiray.

Shahaadada Imaamoglu ee Jaamacadda Istanbul ayaa la buriyay maalin ka hor intii aan la xirin, sababo la xiriira khaladaad lagu eedeeyay. Sida uu qabo dastuurka Turkiga, madaxweynayaashu waa in ay dhammeeyeen waxbarashada sare si ay xilalka u qabtaan.