Waa kuma hoggaamiyaha Xamaas ee lagu dilay duqeynta Israa’iil isagoo xaaskiisa la tukanaya?

0

Duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay magaalada Khan Younis ee koonfurta Qaza ayaa lagu dilay hoggaamiyihii ugu sarreeyay siyaasadda Xamaas Saalax al-Bardaweel, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal ka tirsan Xamaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay Bardaawael, oo loo arko inuu yahay hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Xamaas. Waxaa kale oo ay wararku tibaaxayaan in sidoo kale xaaskiisa la dilay. Saraakiisha Israa’iil ayaanan ilaa haatan wax faallo ah ka bixin warkaasi sheegaya dilka al-Bardaweel.

Maamulka caafimaadka ee dhulka falastiiniyiinta ee Xamaas maamusho ayaa sheegay in ugu yaraan 18 qof lagu dilay Khan Yuunis iyo koonfurta kale ee Rafah Axadda maanta ah.

Israa’iil ayaa dib u billowday duqeymo culus oo ay ku hayso Gaza horraantii toddobaadkan – taasoo soo afjartay wejigii koowaad ee xabbad-joojin socotay ku dhawaad ​​laba bilood. Waxay Xamaas ku eedaysay inay diiday soo jeedinta cusub ee Maraykanka ee lagu kordhinayo xabbad joojinta.

Xamaas, ayaa iyana Israa’iil ku eedaysay inay ka baxday heshiiskii asalka ahaa – oo ay dhexdhexaadinayeen Qatar, Masar iyo Maraykanka. Xabad joojinta ayaa la saadaalinayay in lagu gaaro heshiisyo ay ka mid yihiin ka bixitaanka ciidamada Israel iyo sii deynta maxaabiistooda iyo maxaabiista Falastiiniyiinta ah – marka lagu daro wada xaajoodka lagu soo afjarayo gebi ahaanba dagaalka iyo dib u dhiska Gaza.

Bayaan ay soo saartay Axadda maanta ah, Xamaas waxay ku sheegtay in Bardaweel, oo 66 jir ah, uu la tukanayay xaaskiisa, markii gantaal Israel uu ku dhacay teendhadooda.

Bardaweel waxa uu ahaa aabbe siddeed carruur ah dhalay, waxa uu ahaa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan Xamaas.

Waxa uu ku dhashay xerada qaxootiga ee Khan Younis, waxaana lagu yaqaanay inuu aad ugu dhow yahay hogaamiyaha Xamaas Yahya Sinwar, waxaana lagu tiriyaa inuu ka mid yahay jiilkii labaad ee hogaanka Hamas, isagoo raacaya aasaasayaashii dhaqdhaqaaqa.

Waxa uu madax ka ahaa garabka siyaasadeed ee baarlamaanka ee Xamaas, waxaana mar kale loo doortay xafiiska siyaasadda kooxda sanadkii 2021.

Ka dib dilkii Sinwar iyo Rawhi Mushtaha intii lagu jiray dagaalkii muddada socday, Bardaweel waxaa loo tixgaliyay inuu ahaa hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee siyaasadda Xamaas.

Weerarka cirka ee lagu dilay Bardaweel ayaa qeyb ka ahaa mid ka mid ah mowjadihii ugu xooganaa ee duqeymaha dhanka cirka ah ee ka dhacayay koonfurta Qaza tan iyo markii uu burburay heshiiskii xabad joojinta Talaadadii lasoo dhaafay.

Afhayeen u hadlay Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Israa’iil ay ku hareeraysan yihiin dhowr ka mid ah baabuurta gurmadka deg-degga ah ee ururka, xilli ay isku dayayeen in ay gaaraan goob ay Israa’iil ku garaacday weerar ka dhacay Rafah.

Waxa uu intaasi ku daray in dhowr qof oo gurmad ah ay ku dhaawacmeen, isla markaana ay xiriir la yeesheen mid ka mid ah kooxihii muddo saacado ah go’doomiye

 

Milateriga Israa’iil ayaa soo saaray awaamiir ku aaddan daadgureynta dadka deggan xaafadda Tel al-Sultan ee galbeedka Rafah ka dib markii deegaanka lagu garaacay duqeymo xooggan iyo weerar dhulka ah oo xaddidan.

Weerarka ayaa waxaa ku jiray taangiyo ay ridayeen ciidamada Israel ee ku sugan Jidka Philadelphi Corridor ee xadka Masar, waxaana sidoo kale weerarka ka qeyb qaatay diyaarado Helicopter ah.

Calaa al-Diin Sabah oo ka mid ah dadka ku dhaqan xaafaddaas ayaa farriin cod ah oo uu BBC-da u soo diray ku yiri: “Rasaas ayaa sida roobka noogu da’aysa, qof dumar ah ayaa la toogtay oo dhiig baxaysa, baabuurta ambalaasta way soo gaadhi waayeen halkan.”

“Waxaan arkayaa mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka oo dhulka jiifa, oo qaylinaya.”

Milateriga Israa’iil ayaa bilaabay olole ay ku burburinayaan Xamaas iyaga oo ka jawaabaya weerar aan horay loo arag oo xuduudka ka tallaabay 7-dii Oktoobar 2023, kaasoo lagu dilay illaa 1,200 oo qof, 251 kalena lagu qafaashay.

In ka badan 49,500 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho, waxaana jira burbur ballaaran oo loo geystay guryaha iyo kaabayaasha Marinka.