Diyaaradda Air India ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah duullimaadyadeeda ay ku qasbanaadeen inay dib usoo laabtaan todobaadkii hore ka dib markii baco, maryo calal ah iyo dhar ay xireen inta badan suuliyada, taasoo keentay in qaar badan oo ka mid ah 300 oo rakaabkeeda ah ay ku diiqadoobaan.
Diyaaradda oo ka soo duushay Chicago kuna sii jeedday caasimadda Hidniya ee Delhi – oo safar qaatay 14-saacadood ayaa ku dhawaad laba saacadood hawada ku jirtay ka hor inta aysan dib ugu laaban magaalada Mareykanka.
Muuqaallo laga soo duubay gudaha diyaaradda ayaa muujinayay jahawareer iyadoo rakaabku ay isugu xoomeen shaqaalaha diyaaradda agtooda oo u muuqday inay sharraxayaan xaaladda.
Dhacdadan ayaa dood kulul ka dhalisay baraha bulshada, iyadoo dad badan oo Hindi ah ay ku miisaameen hab-dhaqanka suuliga ee diyaaradda.
Suuliyada diyaaraduhu waxay ku kaydiyaan saxarada bani’aadamka taangiyo gaar ah waxayna isticmaalaan nidaamka vacuum-ka. Kuwan ayaa sida caadiga ah la daadiyaa marka ay diyaaraddu soo degto.
In kasta oo musqulaha xirani aanay ahayn wax aan caadi ahayn, haddana waxay u dhowdahay inaysan dhici karin in dhammaan suuliyada ay buuxsamaan “khaladka rakaabka oo keliya awgeed, iyo in ay keento xaalad degdeg ah”, Mark Martin, oo ah khabiir dhinaca duulista ah ayaa u sheegay wargeyska Hindustan Times.
Dhacdadan ayaa ka dhacday Duullimaadka Air India Flight 126 ee 5-tii Maarso, laakiin diyaaradda ayaa Isniintii soo saartay bayaan ay ku sharraxayso sida ay wax u dhaceen.
Waxa ay sheegtay in ay sidoo kale horay u heshay walxo ay ka mid yihiin bustayaal, dharka hoos laga xirto iyo xafaayad lagu daadiyay gudaha musqulaheeda.
“Waxaan ka faa’iideysaneynaa fursaddan inaan ku boorrino rakaabka inay u isticmaalaan musqulaha kaliya ujeeddooyinka loogu talagalay,” ayaa lagu yiri.
Bayaanka, ayay shirkaddu ku sheegtay in siddeed ka mid ah 12-ka musqul ee ay ku lahayd business iyo economy class ay hallaabeen ka dib markii shaqaalihii diyaaradda ay “heleen baco, calalyo iyo dhar la daadiyey oo ku dhegay tuubooyinka suuliha”.
Waxay soo bandhigtay dhowr sawir oo muujinaya boorsooyin ay ku jiraan khashin laga soo saaray musqulaha. Mid ka mid ah sawirrada ayaa muujinayay xubin ka mid ah shaqaalaha oo sita tuubbada biyaha dhuuqda oo ay ka buuxaan wax u muuqda calal.
Sababo la xiriira xannibaadaha xilliga habeenkii ee inta badan garoomada diyaaradaha ee Yurub waqtigaas, shirkaddu waxay sheegtay inaysan u weecin karin duulimaadka meel kale – taasoo ka dhigaysa ku laabashada Chicago waxa keliya ee u furnaa.
“Markii ay ka degtay Chicago, dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda si caadi ah ayay u degeen waxaana la siiyay hoy si looga yareeyo dhibka,” ayuu yiri afhayeen u hadlay shirkadda, isagoo intaas ku daray in go’aanka leexinta la qaatay “gebi ahaanba iyadoo dani ay ugu jirto wanaagga iyo badbaadada rakaabka”.
Shirkadda ayaa intaa ku dartay in ay u soo celisay rakaabka lacag buuxa iyo duullimaadyo dib loo dhigay.
Barta X, dad badan ayaa shirkadda ku dhaliilay daryeel-xumo iyo nadaafad-darro ka jirta diyaaradahooda.
“Kaliya Air India ayaa leh khaladaadkan soo noqnoqda. Run ahaantii waxa dhacay waa wax aan la difaaci karin,” mid ka mid ah dadka bartaas isticmaala ayaa sidaa yiri.
Laakiin qaar kale ayaa tilmaamay in shirkadda diyaaradaha aan loo haysan karin mas’uuliyadda arrintan.
“Miyaan si daacad ah dhammaan eedda dusha uga saari karnaa Air India iyo shaqaalaha, marka dadku aysan raaci karin anshaxa safarka ee aasaasiga ah?” qof kale ayaa yiri.