Labo lahayste oo yuhuuda aya xamas gacanta ka saartey Bisha cas e calamiga ah

0

Labo ka mid ah lixda la heyste oo maanta lagu waday in lasii daayo ayaa haatan loo gacan-geliyay saraakiisha Laanqeysrta Cas ee ku sugan deegaanka Rafax, koofurta Qasa.

Laanqeyrta Cas ayaa iyadana ku wareejisay qaarkood ciidamada Israa’iil.

Labo ka mid ah la heystayaasha waa Avera Mengistu, oo la qabtay sanadkii 2014 kadib markii uu u gudbay Qasa, iyo Tal Shoham, oo 40 nir ah, oo laga kaxaystay Kibbutz Be’eri 7 October 2023.

“Labada la heyste waxaa haatan la socda ciidamada gaarka ah ee IDF iyo ciidamada ISA (Hay’adda Ammaanka Israa’iil) markii ay dalka kusoo laabanayeen, halkaas oo ay ku mari doonaan qiimeyn horudhac ah oo caafimaad,”sida lagu yiri war kasoo baxay IDF.

“Ciidamada IDF ayaa isu diyaarinaya inay la wareegaan la heystayaal dheeraad ah oo loo gacan-gelin doono Laanqeyrta Cas mustaqbalka dhow,” ayay warbixintu intaa raacisay.

Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay inay sii deyn doonto dhammaanba haweenka iyo kuwa ka yar 19 sano ee la xiray tan iyo bishii October.

Raga lasii daynayo waa kuwama.

Lixda la heyste ee nool ee maanta la sii daayay, afar ka mid ah waxaa la qabtay intii uu socday weerarkii ay Xamaas ku qaadday Israa’iil 7 October 2023. Labada kale ee la heyste ayaa lagu hayay Qasa muddo toban sano ah.

Lidan ayaa kala ah:

Eliya Cohen: 27 jir ah, isaga iyo saaxiibtiisa ayaa markii hore weeraryahannada Xamaas ee 7 October weerarka soo qaaday uga gabbaday xarun, balse waa la qabtay, waana la kaxaystay. Bishii June, muuqaal Xamaas ay duubtay oo la sii daayay ayaa muujinayay xilligii Eliya iyo qaar kale la kaxaystay.

Omer Shem Tov: 22 jir jira, markii hore gaarigiisa ayuu ku baxsaday balse waa la qabtay markii uu isku dayay inuu badbaadiyo saaxiibbadiis Maya iyo Itai Regev. Dhammaan saddexdooda ayaa la qabtay – walaalaha Regev ayaa la sii daayay November 2023, balse waxay sheegeen inay isla joogeen Cumar

.

Tal Shoham: 40 jir ah, waxaa laga kaxaystay Kibbutz Be’eri. Xaaskiisa, Adi, labadooda carruur ee yaryar, iyo soddohdood, Dr Shosham Haran, ayaa sidoo kale la qabtay balse waxaa la sii daayay bishii November 2023. Seyga Dr Haran, Avshalom, ayaa lagu dilay weerarkii 7 October.

Omer Wenkert: Maamule hoteel oo 23 jir ahaa. Farriin ayuu u diray qoyskiisa isagoo u sheegay inuu tagayo xarun ammaan ah balse haddana xiriirkooda ayaa lumay. Qoyskiisa ayaa sheegay inay arkeen muuqaalka Xamaas ay duubeen ee Cumar, oo uu ku jiro sawirkiisa isagoo katiinadeysan keliyana xiran buumo.

Hisham al-Sayed: Oo kasoo jeeda qowmiyadda Bedouin oo Carab Israa’iil ah laguna hayay Qasa tan iyo sanadkii 2015. Xamaas ayaa sheegtay in isaga iyo Avera Mengistu ay yihiin ciidan, balse dokumentiyada Israa’iil ee ay aragtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa muujinaya in labadooduba ay yihiin rayid laga joojiyay howlaha militariga. Labadooda ayaa iskood ugu gudbay Qasa. Bishii June 2022 Xamaas ayaa sii deysay muuqaal muujinaya al-Sayed.

Avera Mengistu: Waa Itoobiyaan Israa’iili ah, Mengistu ayay Xamaas qabteen 2014. Bishii January Xamaas ayaa sii deysay muuqaal kooban oo aan taariikheysneyn kaasoo uu kasoo muuqday nin si aan la fahmi karin uga hadlaya afka Hebrew: “waxaan ahay la heystaha Avera Mengistu. Muddo intee ah ayaan la heystenimo lasii ahaanayaa saaxiibbadey.” Qoyska Mengistu ayaa xaqiijiyay inuu isaga yahay, ololaha Sii daaya Avera ayaa sidaas u sheegay BBC sanadkii 2023.