Sudan oo danjiraheedii Kenya u yeeratay iyo xiisad ka dhex taagan labada dal

0

Xukuumadda militariga ah ee Suudaan ayaa dib ugu yeeratay danjirihii u joogey dalka Kenya si ay uga ashtakooto go’aanka Nairobi ku martigelisey kooxda hubeysan ee RSF iyo kooxo gacansaar la leh oo doonayo in ay dowlad barakafayl ah ka dhistaan dhulka ay fallaagadu ka taliso.

Sida ay faafisay Wakaaladda Wararka Sudan oo soo xiganeysey dhambaal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Sudan, Danjire Kamal Jabbara ayaa looga yeeray Khartuum si looga wada arrinsado jawaabta laga bixinayo tillaabada Kenya ku martigelisey mucaaradka hubeysan ee dagaalka kula jira ciidama qaranka.

Xiisad xooggan ayaa ka dhex qaraxday dalalka Sudan iyo Kenya ka dib markii xoogag taabacsan kooxda RSF ee dagaalka kula jirta ciidanka Suudaan ay shir ku yeesheen magaalada Nairobi, halkaas oo ay uga dhawaaqeen qorshe ay ku doonayaan dhismaha dowlad ka gaar ah maamulka Khartuum.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan, oo daacad u ah taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan, ayaa ku dhaleeceysay Kenya in ay ku xadgudubtay xeerka caalamiga ah ee dhowraya jiritaanka iyo madaxbannanida Suudaan, maadaama ay ogolaatay in dalkeeda lagu qabto shir sida ay sheegtay lagu wiiqayo qaranimadeeda, ha yeeshee Kenya ayaa dhankeeda iska fogeysey eeddaas iyadoo sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka, islamarkaana doorkeeda shirka Nairobi uu ku kooban yahay fidinta gogol nabadeed oo ay ku wada hadlaan dhinacyada ay arrintani khuseyso.

Suudaan ayaa dhowr jeer oo hore ku eedeysay dhiggeeda Kenya in ku xadgudubtey xeerka caalamiga ah, maadaama ay gogol u fidisay ay fallaagada RSF oo loo haysto dambiyo dagaal u ogolaatay in ay dalkeeda ku qabsadaan shir ay sheegtray in lagu wiiqayo wadajirka dhuleed ee dalkeeda.

Dowladda Kenya ayaa dhankeeda difaacday ficilladeeda, waxayna sheegtay in doorkeedu ku koobnaa fududeynta wadahallo dhexmaray kooxaha, islamarkaana ay dhexdhexaad ka tahay qkhilaafka ka dhex aloosan dhinacyada ku loollamaya siyaasadda Sudan.

Kenya waxay intaas ku dartay in caadadeeda ay tahay martigelinta geeeddi-socodka nabadda iyo dib-heshiisiinta gobolka, haatanna doorkeeda shirku uu ku eg ayahay nabad doonnimo iyo isku keenidda dhinacyada is haya.

Laakiin Suudaan marnaba kama daadegin doodadda Kenya, waxayna Nairobi ku eedeysay in ay taageero buuxda siiso fallaagada RSF, sidoo kalena ay tahay xarunta laga hago hawlaha siyaasadda kooxda, islamarkaana sahayda dagaalka loo mariyo.

“Kulanka iminka Nairobi ka socdaa wuxuu gunaanud u yahay qorshe in muddo ah ay karineysey madaxtooyada Kenya, halkaas oo lagu dumayey dabley argagixiso ah oo meelo kala duwan laga kala keenay”, ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xukuumadda militariga ah ee Suudaan. Waxayna intaas ku dartay in xarumaha laga hago siyaasadda, dhaqaalaha, dacaayadda iyo saadkuba ay ku wada yaallaan Nairobi.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Suudaan oo sii hadlaysa waxay ku andacootay in ay qayb ka tahay “shirqool lagu dhisayo dowlad lammaan,” waxayna madaxweyne William Ruto ku dhaleecaysay in uu “xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Suudaan iyo Kenya ka doorbiday danaha shakhsiyadeed iyo kuwa ganacsi ee kala dhexeeya hoggaamiyaha fallaagada RSF Gen. Maxamed Xamdan Dagalo”.

Waa markii labaad sannadkan ee Suudaan u yeeraneyso Danjiraheeda Kenya, xiriirka kala dhexeeya General Dagalo awgiis.