Booliska ayaa sheegay in ku dhawaad 10 qof ay ku dhinteen toogasho ka dhacday xarun waxbarasho oo ku taalal bartamaha dalka Sweden, oo uu ku jiro ninkii hubeysnaa ee weerarka gaystay.
Weerarka ayaa ka dhacaya galbeedka magaalada caasimadda ah ee Stockholm, waxaana ra’iisul Wasaare Ulf Kristersson uu ku tilmaamay “toogasho wadareedkii ugu xumaa taariikhda Sweden”.
Booliisku waxay sheegeen inay aaminsan yihiin in qofka falka gaystay uu ka mid yahay dadka dhintay, isla markaana aan horay loo aqoon. Ma jirin sababo si degdeg ah loogu garan karo, waxaana la aaminsan yahay inuu keligii falkaas sameeyay, sida ay sheegeen.
“Waa ay adag tahay in la qaato baaxadda waxa dhacay maanta,” ra’iisul wasaare Kristersson ayaa sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo xalay uu qabtay.
Booliisku horey ayey uga digeen in tirada dadka dhimashadu ay sii kordhi karto maadaama dad badan ay dhaawacmeen.
Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaallada, iyadoo ugu yaraan afar qof lagu sameynayo qalliinno.
Ciidamada booliska ayaa markii hore sheegay in shan qof la toogtay, waxaana wararku intaas ku darayaan in la baarayo dhacdadan iyo wax ay salka ku hayso.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa markii dambe bilaabay inay soo tabiyaan in dad badan ay dhinteen, ka hor inta aanu booliisku sheegan in “qiyaastii 10” qof ay dhinteen, laakiin aysan “si faahfaahsan” uga hadli karin tirada dhimashada.
Sidoo kale, waxay xaqiijiyeen in aysan jirin “koox argagixiso” oo ka dambeeysa weerarka.
Booliisku waxay heleen warbixin ku saabsan toogashada ka dhacday iskuulka Risbergska oo ah xarun waxbarasho oo dadka waaweyn ah – saacaddu markii ay ku beegneed 12:33 waqtiga maxalliga. Xaruntan waxay ku taallaa jaamacad leh dugsiyo kale.
Xarumahani waxaa inta badan isticmaala dadka aan dhamaystirin waxbarashada aasaasiga ah ama dugsiga sare.
Horey ayaa ardayda wax uga ka baranaysay dhowr dugsi oo u dhow goobta weerarku ka dhacay loogu hayn jiray gudaha xaruuntaas “arimo ammaan awgood”.
“Ma doonayno in xubno ka tirsan dadweynuhu ay halkaas tagaan,” taliyaha booliska Orebro Roberto Eid Forest ayaa sidaasi yiri.
Wasiirka Cadaaladda oo ka soo garab muuqday ra’iisul wasaaraha xalay fiidkii, ayaa tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay “masiibada” wuxuuna u xaqiijiyay muwaadiniinta in iskuullada dalka ammaankooda la sugayo.
“Weligay ma arag toogasho dugsi oo heerkan le’eg,” ayuu yiri Gunnar Strommer.
Warbaahinta gudaha ayaa tabinaysa in isbitaallada u dhow goobta ay ku jira feejignaan ku saabsan haddiii ay gurmad dheeri ah u baahdaan, dadka halkaasi ku waxyeelloobay.
Isbitaalka Jaamacadda Orebro ayaa sheegay in shan qof oo ku dhaawacmay rasaasta lagu daweeyay qaybta gargaarka degdegga ah. Qof lixaad oo dheeraad ah, oo aan ku dhaawacmin qori, ayaa “dhaawacyo fudud” laga daweeyay,.
Ma jiraan carruur ka mid ah dadka lagu daweynayo halkaas, degmada isbitaallada.
Macallimad Lena Warenmark ayaa u sheegtay SVT, raadiyaha guud ee Sweden, in ay maqashay ilaa 10 xabadood xilliga weerarku dhacayay.
Ali El Mokad, oo ay qaraabo yihiin nin la rumeysan yahay in uu wax ka baranayay iskuulka xilliga uu weerarku dhacayay, ayaa isna soo dhigay farriin ku saabsan in uu joogo bannaanka isbitaal ku yaalla deegaanka isla markaana uu raadinyo xogta qofka ay qaraabada yihiin.
Goobjooge kale oo ardayad wax ka barata dugsigaasi ka mid ah oo magaceeda ku soo koobtay Marwa ayaa ka warbixisay xaalad adag oo iyada iyo dhowr qof oo kale ay isku dayeen in ay ka qayb qaataan gurmadkii dadka loo sameynayay.
“Nin aktayda joogay ayaa garabka laga toogtay, dhiig badan ayaa ka socday, markaan gadaasheyda eegay waxaan arkay saddex qof oo dhulka yaalla oo dhiig ka daadanayo,” ayay u sheegtay TV4 Sweden.
Marwa iyo dad kale ayaa isku dayay inay caawiyaan nin dhaawaca ah iyagoo garabka ka duubay “si aanu dhiig badan uga bixin”.
“Qof walba aad buu u naxay.”
Ra’iisul wasaare Kristersson waxaa uu xusay sida ay Swedan ugu tahay “maalin aad u xanuun badan dhammaan dadka dalkiisa,”.