Ninkii gubay kitaabka quraanka oo toogasho lagu dilay

0

Ninkii sababta u ahaa inay dhacaan banaanbaxyo rabshado wata ka dib marki uu gubay kitaabka quraanka ayaa toogasho lagu dilay dalkaย  Sweden, sida ay warbaahinta maxalliga sheegtay.

Salwan Momika oo 38 jir ah ayaa la sheegay in lagu dilay guri ku yaalla Sรถdertรคlje, oo ka tirsan magaalada Caasimadda ee Stockholm, fiidnimadii Arbacada.

Rabshadaha ayaa dhacay ka dib markii uu Mr Momika dab qabadsiiyey nuqul ka mid ah kitaabka quraanka, meel dibadda ka ah masaajidka bartamaha Stockholm sannadkii 2023.

Mr Momika iyo qof ay wada noolaayeen ayaa lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin gubidda quraanka, laakin xukunkiisa ayaa la filayey in Khamiista lagu dhawaaqo, kaasoo dib loo dhigay ka dib “la xaqiijiyey in mid ka mid ah isdifaacayaasha uu geeriyooday” sida ay shegtay maxkamadda degmada Stockholm.Booliska Stockholm ayaa u sheegay warbaahinta SVT News in nin da’diisa lagu qiyaasay 40meeyo oo la toogtay laga helay guri, kaasoo markii dambe geeriyooday.

“Ninkan falkan sameeyay markaan dib u baarnay waa nin diinta Masiixiga haysta oo Ciraaq ka soo jeeda oo cadaawad iyo xiqdi farabadan u qabo dadka Muslimiinta ah laakin kaniisadaha ayaa nala soo xiriiray waxayna noo sheegeen in ficilkan uu ninkan sameeyay ay bari ka yihiin,” ayuu yiri Maxamed

Muddo sannad iyo dheeraad laga joogo ayey xukuumadda Sweden sheegtay in guud ahaan Sweden laga musaafurinayo Salwan Momika, waxayna Sweden kala laabatay ruqsaddii deganaanshaha, hase yeeshee wuxuu xilligaas sheegay inuu doonayo inuu racfaan qaato.

Ninkaas oo hore u ahaa masiixi ayaa marki dambe doorbiday inuusan wax diin ah qaadan oo uu ahaado mulxid (Diin laawe).