Home Faallooyin Madaxwaynaha dawlada Muqdisho oo Weerar kusoo qaaday Dhoofkii Xoolaha Loo diro Sucuudiga...
Afartii bilood e danbeeyay waxaa culays wayni saarna  xoolaha Soomalida ee loo dhoofiyo dalka Sucuudi Carabiya,
 Madaxwaynaha Dawlada  Muqdisho  Xasan Sheekh ayaana weerar kusoo qaaday dhoofka xoolaha soomalida isagoo heshiis aan la shaacin la galay Ganacsadaha Yemeniga ah e magaciisu yahay Abu Yasir,kaas oo mudo sanado ah ku dhex jiray Dhoofka Xoolaha Soomalida,
Bilowga sanadkan Cusub e 2025 ayaa la hirgalinayaa heshiiskaasi qarsoodiga aha ee madaxwayne Xasan sheikh lagalagay ganacsadha Yemeniga ah e Abu Yasir waxaana kooto loogu xidhayaa Xoolaha loo diro dalka Sucuudiga,
 dabcana sida ilo wareedyo sugani sheegayan cida weerarka lagu yahay waa dekadaha Berbera iyo Boosaasao sababtoo ah xoolaha ugu badan ee geeska Afrika waxay maraan Dekada Berbera waana dhuunta ugu dhow sucuudiga oo xooluhu ma dareemaan jacdad iyo dhibkale toona taas ayaana ka dhigtay Berbera marinka xudunta u ah dhoofka xoolaha soomlida ee loo diro Sucuudiga
,waxaa soo raca Boosaso, wayna  adag tahay xoolo loo dirayo sucuudiga inay ka dhoofaan Muqdisho ,
Hadaba Inqilaabkan dhoofka xoolaha ah e uu horkacayo madaxwaynaha Muqdishoa saamayn intee leeg ayuu ku yeelanaya dhoofkii xoolaha ee soomlidu ka shaqaysan jirtay,
1 Kootada loogu xidhay dhoofka xoolaha  Ganacsadahan Yemeniga ugu horayn macjarkiisa oo kaliya ayaa laga rarayaa Xoolaha taa macnaheeduna waa isaga ayaa loo shaqaynaya,
2 Xoolaha waxaa ku dhacaya labo cashuurood ,Cashuurtii Dekada uu ka dhoofayo iyo khidmada u dhiganta cashuurta laga qaaday oo uu leeyahay madaxwayne xasan Sheekh
3 waxaa Xidhmi doona macjaradii ay lahayeen ganacstada soomalida ah,
4 waxaa ka baxaya suuqa ganacsatadii xoolaha ka shaqaysan jirtay ee soomalida ahayd waxanay kudanbayn doonan dilaliin u shaqaysa Abu yaasir,
5 qiimaha lacagta uu siisanayo neefka ayaa hoos u dhici doonta sababtoo ah kootada ayaa keenaysa oo sayladihii iibka xoolaha kaligii ayuu qiimaha ujaraya
6 Kootadan dhoofka Xoolaha e Madaxwaynaha Muqdisho u xidhayo Ganacsadaha Yemeniga ah waxay keenaysaa khilaaf khatar ah oo keeni kara in Carafadan inagu soo foolka leh ay adkaato in xoolo loo diro sucuudiga sababtooo ah marka kumanaan qof oo ka shaqaysan jiray dhoofka xoolaha ganacsigiisa albaabada loo xidho shaqadii ay qaban jireen,
7 Gancsadahan Yemeniga ah ee khatarta ku ah ganacsiga xoolaha soomalida wuxuu dhabarka saaray Shirkada wadaniga ah e Deero Gruop macjarka ay leeyihiin taas oo umuuqata dhufays uu la dhexgalayo damaciisa kootada ah, khabiir dhoofka xoolaha ah oo warbaahintu waydiisay arinkan ayaa ku tilmaamay mid mushkiladeeda leh oo waxa suura gala ayuu yidhi isku dhacyo dagalka xoolaha ah in uu bilowdo iyo waliba kacdoon mudaharad wata,
8 si kastaba xaalku ha ahado e waxa iyana suura gala in dawlada Somaliland fiiro wayn uyeelato arinkan oo dhankeeda ay xayirto dhoofka xoolaha e dalka sucuudiga si an amaan daro u dhicin
Hadaba waxaa iswaydiin leh Xukuumada Cusub ee jamhuriyada Somaliland e uu madaxwaynah ka yahay Dr Cabdiraxman Cirro waxay sheegtay inay wadhadal la furayso Madaxwaynaha Muqdisho Xasan sheikh  iyadoo dagaal lagusoo qaaday dhoofkii xoolaha eee ganacstada Somaliland ka shaqaysan jireen ,
Tani waa isku daygii udanbeeyay weeraro socday 4 bilood waxaana illo xog ogaal ahi sheegayaan in wasiirka xananada Xoolaha e dawlad xamar Qoray warqadii Kootada loogu xidhayay dhoofka xoolaha ganacsadaha Yemeniga ah e Abu Yaasir Ninkan oo dhowr jeer oo hore sababtiisa loo xayiray dhoofka xoolaha soomalida e taga dalka Sucuudiga isagoo carqalado ku sameeyay si loo xayiro xoolaha loo diro Sucuudiga,
Ugu danbayntii Cunaqabataynta dhoofka xoolaha ee Madaxwaynah Muqdisho ku fulinayo Somaliland ganacsatedeeda waxaa la eegi doona siday uga fal celiso xukuumada Cusub e jamhuriyada Somaliland